Waxaa la soo saaray natiijada Doorashada Golaha degaanka Degmooyinka Eyl iyo Ufeyn, iyadoo ururka madaxweynaha Puntland r=ee Kaah uu kuraasta ugu badan ka helay Doorashadii ka dhacday labadaasi degmo.
Natiijada Doorashada Golaha Wakiilada degmada Eyl oo ay goor dhow shaaciyeen Guddiga Doorashada Puntland ayaa noqotay in ururka Kaah uu helay 13 Kursi oo ka mida 27 kursi ee Golaha degaanka degmada Eyl.
Waxaa kusoo xigay ururka Mideeye oo helay 6 kursi, halka ururka Cadaalad iyo Sinnaan uu ka helay 4 kursi, waxaan min 2 kursi helay ururrada Runta & Cadaaladda iyo Horseed.
Dhinaca kale natiijada Doorashada Golaha degaanka ee degmada Ufeyn ayaa waxaa ku horeeya Kaah oo helay 10 kursi, waxaase aad ugu dhow Mideeye oo helay 8 kursi, halka uu ku xigo ururka Sinaan iyo cadaalad oo isna helay 7, waxaana mid hal kursi helay ururadda Horseed iyo Mustaqbal.
Natiijada oo dhammeystiran hoos ka akhriso



