Waxaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku bahoobeen xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay hormuud ka yihiin xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey xisbiyo aan tiradooda la sheegin ayse ka dhex muuqdeen UPD-da Xasan Sheekh iyo Himilo Qaran-ta SheekhAShariif ay sameysteen Midow Madal ah Isbaheysi siyaasadeed oo ka wada shaqeyn doonta sidii loo xoojin lahaa dimoqraadiyadda iyo mowqif wadajira oo ay ka qaataan xaaladda dalka.
Madashan waxaa ka dhex muuqday xildhibaannada kasoo jeeda labada gole ee kala taageersan madaxweynayaashii hore waxaana looga dhawaaqay in qaab dhismeedka Madashada uu noqon doono hoggaanka sare ee Madasha oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo Golaha xoghayeyaasha xisbiyada, waxaana afhayeenka madasha loo magacaabay C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa xildhibaan hore.
Waxaa la sheegay inay socdaan wadahadallo Madasha lagu soo biirinayo xisbiyo badan oo qaarkood ka caga-jiideen, waxaana lagu wadaa in war-saxaafadeedyo kale ay soo baxaan.