Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Xisbiyadda siyaasadda oo Go’aan & Baaq kulul kasoo saaray Guddiga Doorashada 2016

    Xisbiyadda siyaasadda oo Go’aan & Baaq kulul kasoo saaray Guddiga Doorashada 2016

    June 19, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir deg deg ah oo ay maanta oo Sabti ah 18/06/2016 isugu yimaadeen Xisbiyada Siyaasadeed ee aan weli sharciyeysneyn ayaa looga  tashaday xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo oo diirada saaray gaar ahaan Gudiga Federaalka ee doorashada daban (FIET) ee Madaxweynuhu xeerka ku soo saaray waxay isla garteen arimaha hoos ku xusan.

    1- Xeerka Madaxweyne ee ku saabsan Gudiga Federaalka ee Doorashooyinka Dadban (FIET) ayaa Xisbiyada Siyaasadeed waxay u arkaan mid sharci daro ah, kana tarjumaya in doorashada soo socota ay noqoneysa mid ku shubasho ah oo horseedi karta colaad laga abuuro qabaailka dhexdooda, taasoo u eg doorashadii 1969 ama ka sii daran.

    2- Sida ka muuqata Gudigan Doorashada oo ay ku jiraan 9 wasiir oo intooda badan Barlamaanka u tartamaya iyo shaqaale laga soo xulay Xafiisyada Madaxweynaha, Raiisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo wakiil ka ah danaha gaarka ee sadexda xafiis oo huwiyay magaca aqoonyahan in ku sifeysan yihiin gudi aan sameyn karin doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran, kalsoonina ka heli karta qeybaha kala duwan ee shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

    3- Markii laga yimaado xubnaha gudiga doorashooyinka ee laftigoodu u tartamaya xildhibaanimo, Madaxweynahu xaq uma lahayn in uu magacaabo wasiiro iyo shaqaale isaga daacad u ah, waxayna ahayd in uu ahaado gudi farsamo oo madaxbanaan sida kuwii maamulay doorashadii 2012 ee loo yaqaanay Technical Selection Committee (TSC).

    4- Waxaa nasiib daro ah Madaxweynihii laga rabay in uu ilaaliyo dustuurka iyo sharciga in uu caadaystay in uu ku tunto dustuurka iyo Haya’adaha dowladda ah ee Dalka ka jira taasoo uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto xukunka si ku dhisan sharci daro iyo wax is dabamarin.

    5- Xaalada wadanku marayo ee mugdiga ah waxaa masuuliyadeeda qaadaya Madaxda Qaranka, iyadoo in si xun loo maareeyo doorashooyinka 2016 ay horseedayso burbur hor leh oo ku saleysan dagaalo sokeeyo oo ka dhasha doorashooyinka soo socda .

    6- Xisbiyada ma ogolaan karaan mana aqbali karaan in bulshada soomaaliyeed laga dhex abuuro dagaalo sokeeye oo ka dhasha doorashooyinka soo socda..

    7- Xisbiyada Siyaasadeed waxay hoosta ka xariiqayaan in 135 Oday ee 2012 ay yihiin saldhiga hanaanka soo xulista ergooyinka, iyagoo ka digayo isku dayada guuracan oo wax looga badalayo liiskaas taasoo xanbaarsan dano siyaasadeed oo gaara.

    8- Waxaan ugu baaqeynaa

    1. A-  Shacabka Soomaaliyeed, duubabka iyo odayaasha dhaqanka in ay ka digtoonaadaan, hor-istaagaan damaca waalan ee ay Madaxda Sare ku doonayaan in Beelaha Soomaaliyeed ka soo dhex xushaan xildhibaano u adeegaya danahooda gaarka ee lagu hungoobay afartii sano ee la soo dhaafay, kuwaasoo marnaba aan ka shaqeynayn danta shacabka iyo mida qaran.
    2. B-  Maadama Madasha Qaran ay kalsooni siin weysay Gudiga Qaran ee madaxa bannaan ee Doorashooyinka (NIEC), sidoo kalana ay ka muuqato Gudigaan Federaal ee Doorashooyinka Dadban (FIET) mid dano gaara laga leeyahay waxan ku baaqeynaa sameynta Guddi Farsamo oo cusub oo aysan xubno ka ahayn wasiiro iyo shaqaale xafiisyada qaran taas badalkeedna xubno ay ka yihiin Bulshada Rayidka, iyo dad xushmad ku leh bulshada dhexdeeda oo aanan tartan ku jirin.
    3. C-  In la sameeyo Gudiyada Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Gudiga Korjoogtada oo heer federal iyo mid Gobol ah, oo madaxbanaan, kana kooban Bulshada Rayidka, Xisbiyada Siyaasadeed, iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
    4. D-  Beesha Caalamka in aysan ogolaan in soomaaliya dib loogu celiyo dagaal sakooye oo siyaasadeed, iyo in dadaalkii laga soo bilaabay 2000 oo geedi socodki dowlad dhisida in uusan burburin.Dhamaad
    Doorashada 2016 Guddiga Doorashada Xisbiyada siyaasadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNin Soomaali ah oo xaaskiisa oo uur leh ku dilay Ingiriiska oo Maxkamad la soo taagay
    Next Article Qof ku dhintay Mooto Bajaaj ku qaraxday Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo