Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: 3 Arrin oo caddeyn u ah inuu Mahdi Guuleed ka baxay Taageeradii Maxamed Farmaajo

    XOG: 3 Arrin oo caddeyn u ah inuu Mahdi Guuleed ka baxay Taageeradii Maxamed Farmaajo

    September 30, 2021Updated:October 11, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wuxuu mar ahaa siyaasiga ugu weyn ee taageersan, mar kalena wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga aan dhalan ee Nabad iyo Nolol, laakiin hadda waxaa muuqata inuu isbedel ku yimid

    Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kusii noqdo awood gaar u taagan, kana baxo isbaheysigii siyaasadeed ee uu kula jiray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo la noqday taageeradii weyneyd ee Doorashada.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mahdi Guuleed uu si cad isugu muujiyey inuu leeyahay rabitaan u gaara oo ka duwan dhismaha iyo dib u doorashada Farmaajo, waxaana maalmihii ugu danbeeyay soo baxay shaki ay kooxda Farmaajo ka qabaan.

    Arrimaha soo socda waxay caddeyn u yihiin sida Mahdi Guuleed ugu xuub siibtay hoggamiye mowqif u gaara leh oo aan lagu tiri karin inuu la socto Farmaajo iyo kooxdiisa Doorashada:

    QORISTA LIISKII SENATOORADA

    Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed wuxuu liiska Musharixiinta Senatorada kasoo jeeda Somaliland ku qoray xubno isaga aad ugu dhow, isagoo iska fogeeyay xubno aad ugu dhowaa Farmaajo oo uu doonayey inuu noqdaan musharixiin kusoo baxa Doorashada Aqalka Sare.

    Shan Senator oo kusoo baxay Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda loo tirinayo inay taageere u yihiin Farmaajo waxaa 3 ka mida soo saartay Mahdi Guuleed oo dhinacyo kale gorgortan kula galay, waxaana Farmaajo markaas usoo haraya laba senator oo weliba midkood shaki laga gelin karo.

    Tusaale Kooxda Farmaajo ayaa dooneysay inay Liiska Musharixiinta kusoo baxdo Naciima Abwaan Qorane oo ka mida taageerayaashooda, laakiin waxaa dhacday inuu Mahdi Guuleed liiska ku qoray aabaheed Abwaan Qorane, iyadoo abwaanka la filayo inuusan ahayn qofkii ay rabeen kooxda Farmaajo.

    AAMINAAD LA’AANTA MAHDI GUULEED

    Shakiga ay kooxda Farmaajo ka qaadeen tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Mahdi Guuleed, wuxuu xoogeystay markii ay ku aamini waayeen Kharashkii ay ugu talogaleen inay kusoo saaraan Senatoorada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, kaasoo ay maamulkiisa wadeen xubnaha xafiiska Farmaajo sida agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.

    Mahdi Guuleed ayaa ka faa’iideystay hoos u dhaca awoodii Maxamed Farmaajo ee timid kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil ee keenay inuu dagaal siyaasadeed dhex maro isaga iyo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna helay awood iyo xoriyad dheeraad ah.

    XIRIIRKA MUSHARIXIINTA MUCAARADKA

    Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed waxaa la ogaaday inuu iskiis u soo saartay Senatooro, isla markaana uu doonayo inuu soo saaro xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo wadahadal la furay ugu yaraan laba ka mida Musharixiinta Mucaaradka ee waaweyn, lana xaqiijiyey inay midkood is fahmeen.

    Arrintan waxay caddeyn xoog leh u tahay inuu si aan la dareemin uga baxay taageeradii Farmaajo, haddana isu bedelay awood si gaara u taagan oo isbaheysiyo doorasho la galayo dhinacyada kale, hadba ciddii ay is fahmi karaan.

    GABAGABO

    Ugu danbeyn Mahdi Guuleed oo garabka Farmaajo ka baxa sida muuqata waxay soo afjari doontaa rajadii uu ka qabay in dib loo doorto ama uu saameyn weyn ku yeesho Doorashada, taasoo horeba daqarro waaweyn u soo gaareen.

    GOOBJOOGE

    Doorashada Farmaajo Mahdi Guuleed Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Galmudug oo Ahlu Suna kala wareegay degaan ay isku urursadeen iyo Dagaal…
    Next Article Dagaal Qaraar oo ka socda duleedka Dhuusmareeb iyo Ahlu suna oo dib u qabsatay degaanka Bohol

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo