Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: 4-ta Mushrax ee Wareega labaad u gudbaya iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Ololaha Doorashada

    XOG: 4-ta Mushrax ee Wareega labaad u gudbaya iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Ololaha Doorashada

    May 14, 2022Updated:May 14, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ololaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galay maalintii ugu danbeysay iyadoo Berri oo Axad ah 15 May, 2022 lagu wado in la doorto Madaxweyne cusub.

    Saacadihii ugu danbeeyay waxaa caasimadda Muqdisho ka socday ololeyaashii ugu danbeeyay ee doorashada, waxaana soo baxay isbaheysiyo cusub, iyadoo ay socdaan shirar muhiim ah oo musharixiinta ay codad ku raadsanayaan.

    Laba musharax ayaa ka haray tartanka xilka madaxweynaha, kuwaas oo kala ah: C/kariin Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo hadda taageeraya Musharax C/raxmnaan C/shakuur Warsame, inkastoo aysan miisaan weyn ku lahayn doorashada, haddana niyad ahaan ayey muhiim u yihiin musharaxa oo taageero ka helay beeshiisa.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Beelaha Dir iyo Digil iyo Mirifle ay taageero u muujiyeen Musharaxa Xasan Sheekh Maxamuud oo hardan ugu jira inuu wareegga labaad gaaro.

    Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo taageerayaashiisa ku ololeynayaan shaqsiyaad iyo dad kooban oo degaano kala duwan muuqaallo laga soo duubay ayaa rajadiisa sii yaraaneysaa, waxaana ka sii tegaya xildhibaanno hore u taageersanaa.

    Mushraxa Shariif Sheekh Axmed oo xalay xaflad weyn ku qabsaday Muqdisho ayaa taageero ka helay xildhibaanno cusub. Khadiijo Maxamed Diiriye oo hore u sheegtay inay taageereyso dib u doorashada Farmaajo ayaa xalay shaacisay inay is-bedeshay oo dhinaca Musharax Sheekh Shariif kasoo jeesatay.

    Ololaha Doorashada waxaa si weyn ugu dhex jira madaxda maamul Goboleedyada dalka oo dhammaantooda ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna kala taageerayaan musharixiinta waaweyn ee is haya.

    Kulan naadir ah ayaa xalay dhex maray madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Jubbaland oo ay wehliyaan xildhibaanada Beesha Farmaajo ee kasoo baxay Galmudug iyo Jubbaland, waxaana markii ugu horeysay is hor fariistay siyaasiyiin dagaal u dhaxeeyay 5-tii sano ee lasoo dhaafay.

    Tartanka ugu weyn oo dhex yaalla 5 musharax oo culus ayaa ah ciddii u gudbi lahayd wareegga labaad oo afarta ugu codadka bata, waxaana xilka loo saadaalinayaa musharaxa ugu codka bata, marka laga reebo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la filayo in Wa-shamsi lagu qaado.

    Xildhibaannada taageersan Farmaajo ayaa dadaalkooda ugu weyn ku bixinaya musharaxa ay Qorshaha labaad ka dhigan doonaan (Plan B), iyadoo laga cabsi qabo inay u kala jabaan Musharixiinta Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre.

    Shanta musharax ee lagu wado inay wareegga labaad u gudbaan waxaa la saadaalinayaa inay noqon karaan:

    1- Maxamed C/llaahi Farmaajo

    2- Shariif Sheekh Axmed

    3- Siciid C/llaahi Deni

    4- Xasan Sheekh Maxamuud

    5- Xasan Cali Kheyre

    Waxa kaloo dhici kara lama filaan ah in musharaxa soo socda uu ciriirsado wareegga labaad:

    6- C/raxmaan C/shakuur Warsame.

    Warbixinta Wadani.net

    Doorashada Doorashada madaxweynaha Farmaajo Madaxweynaha cusub Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Cusub oo Berri la Dooranayo iyo Bandow lagu soo rogay Caasimadda Muqdisho
    Next Article Bandhigii Musharax Sheekh Shariif iyo Xaqiiqo oo laga ogaaday Ololihiisa Doorashada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo