Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»XOG: Aljazeera TV oo soo Bandhigay Heshiiskii Imaaraadku kula wareegay Dekadda Berbera & Doorkii Dahabshiil [DAAWO]

    XOG: Aljazeera TV oo soo Bandhigay Heshiiskii Imaaraadku kula wareegay Dekadda Berbera & Doorkii Dahabshiil [DAAWO]

    March 19, 2019Updated:November 26, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Telefishanka Aljazeera ayaa xalay baahiyey Barnaamij muddo la sugayey oo ku saabsan ‘Dagaalka Dekadaha’ ee Geeska Afrika ka socda una dhaxeey dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo quwadaha waaweyn.

    Barnaamijka oo lagu magacaabo ”Almasaafa Sifr” wuxuu diirada saaray khilaadkii dhex maray Shirkadda DP World iyo dowaldda Jabuuti oo keenay in dalka Jabuuti laga eryo shirkadda Imaaraadka iyo Heshiiskii uu Imaaraadku ku qaatay Dekadda Berbera oo xaalado musuq iyo damac is balaarin ku wareegsan yihiin.

    HOOS KA DAAWO BARNAAMIJKA

    المسافة صفر- حرب الموانئ

    DOORKII SHIRKADDA DAHAB-SHIIL

    Barnaamijka ayaa ogaaday in shirkadda Dahabshiil oo ugu weyn xawaaladaha Geeska Afrika ay ku lug lahayd heshiiska Imaaraadka loogu gacan geliyay Dekadda Berbera, iyadoo si rasmi ah u taageertay, isla markaana website-keeda ay ku baahisay qoraal lagu taageeray heshiiskaasi.

    Baaritaanka Aljazeera ayaa lagu sheegay inay shirkadda oo xarunteeda weyn ay tahay Imaaradka ay heshiiska Dekadda Berbera lug ku lahayd, iyadoo uu jiro xiiriir u dhaxeeyay Shirkadda Dahabshiil iyo maamulkii Siilaanyo, kasoo salka ku hayey mas’uul ka tirsanaa shirkadda oo wasiir ka noqday madaxtooyada Somaliland.

    Baaritaanka ayaa ka hadlay sumcada shirkadda Dahabshii oo la sheegay in laga baaray is daba marin maaliyadeed, isla amrkaana iyadoo qof ka mida shaqaalaheeda lagu xiray Xabsiga Guantanamo, taasoo keenay in mareegta google search boggeeda koowaad laga helo marka Dahab-shiil la baaro qoraalo ku saabsan in qof ka tirsan lagu xiray xabsiga Guantanamo Bay.

    Dahabshiil waxay heshiis la gashay shirkad markii danbe la kala diray oo lagu magacaabi jiray Bell Pottinger kula heshiisay inay Google search ka saarto warbixinadda isku xiraya xabsiga Gauntannamo iyo shirkadda Dahabshiil, si sumcadeeda loo ilaaliyo, shirkadaas oo shaqadaasi u qabatay Dahabshiil. Aljazeera TV ayaa sheegatay in shirkadda ka jawaabin su’aalo ay u dirtay oo ku saabsan doorkeedii heshiiska Imaaraadka ee dekadda Berbera.

    Salaam Hindaawi- Weriyaha Barnaamijka diyaarisay – لمسافة صفر

    XUKUUMADII SIILAANYO

    Warbixinta Aljazeera ayaa isku xirtay heshiiska Imaaraadka kula wareegay dekadda Berbera iyo Qoyska Siilaanyo oo ay ku lug leedahay xaaska Siilaanyo iyo ninka uu soddoga u yahay.

    Heshiiska Dekadda Berbera ee lagu wareejiyey Shirakdda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ayaa la sheegay inuu qarsoodi yahay oo Baarlamaanka Somaliland laga qariyey iyadoo loo gudbiyey qoraal afsoomaali ku tarjuman, kaasoo keenay inay isu gacan qaadaan guddoomiyihii golaha wakiilada ee xilligaasi iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo.


    Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad

    DOWLADDA SOOMAALIYA

    Dowladda Soomaaliya oo heshiiska Dekadda Berbera ka hor timid ayuu baaritaanka Aljazeera TV sheegay inuu madaxweyne Farmaajo muddo saddex jeer ah ka codsaday dhaxal-sugaha Imaaraadka inuu tusiyo heshiiska rasmiga ah ee dekadda Berbera, balse Imaaraadku aanu codsigaasi aqbalin.

    Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad oo lagi wareystay barnaamijka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharci darro u aragto heshiiska DP World kula wareegtay Dekadda Berbera, isla markaana ay tahay ku xadgudub qaranimada Soomaaliya.

    Khilaafka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa weli taagan, wuxuuna Wasiirku sheegay in dowladda Sacuudiga ay u sheegtay inay dhexdhexaadineyso Imaaraadka, balse ay weli wax tallaabo ah qaadin.

    Baaritaanka Telefishanka Aljazeera ayaa nuxurkiisu ahaa in la soo bandhigo sida Imaaraadku Carabtu heshiisyo qarsoodi ah iyo adeegsiga dhaqaale ugula wareegayo dekaddaha Geeska Afrika, iyadoo qeyb ka ah dagaalka dalalka dibadda ugu jiraan Dekadaha Geeska Afrika ee Soomaaliya ka mid tahay.

    DIYAARINTII: GOOBJOOGE.NET
    Aljazeera TV Dekadda Berbera Top لمسافة صفر- حرب الموانئ
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Kenya oo ka baxay Saldhigii labaad ee Gobolka Gedo & Alshabab oo la wareegay..
    Next Article Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo socdaal maalgelin raadis ah ku tegay Dalka Qatar [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo