Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XOG: Alshabaab oo ku kala qeybsantay ku biirista Daacish iyo xubno la xirxiray

    XOG: Alshabaab oo ku kala qeybsantay ku biirista Daacish iyo xubno la xirxiray

    October 24, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay buuralayda Golis ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabab ee ka dagaalamayey buurahaasi ay sheegeen iny ku biirayaan ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Tallaabadan waxay khilaafsan tahay mowqifka rasmiga ah ee hoggaanka Al-Shabab oo weli daacad u ah ururka Al-Qaacida.

    mumin
    Sheekh Cabdulqaadir Muumin

    Wararka aanu ka helnay ilaha sirdoonka Soomaalida iyo dadka degaanka waxay sheegeen in maleeshiyada Al-Shabab ee ku sugan buuraha Golis ay khamiistii go’aansadeenn inay bayco ama qanadaraas diini ah la galaan hoggaamiyaha ururka Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi. Hadalkan waxaa ku dhowaaqay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka tirsan culimada Al-Shabab ee ku sugan degaankaas inkastoo aanu ahayn hoggaamiyaha Al-Shabab u idmatay degaankaas.

    Wararka nasoo gaadhaya waxay intaas ku darayaan in Sheekh Cabdulqaadir Muumin uu tallaabadan ku wargeliyey hoggaanka Al-Shabab balse lagu gacan sayray.

    Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya go’aankan ay kooxdaasi qaateen, waxaase toddobaadyadii ugu dambeeyeyba soo baxayey kacdoon hoose oo ay samaynayaan xubnaha maleeshiyada darajadoodu hoosayso ee ka tirsan Al-Shabab oo doonayey in lagu biiro Daacish.

    Dhinaca Koonfurta Soomaaliya Al-Shabab waxay tallaabadan uga jawaabtay inay qabqabato qaar ka mid ah dadkaasi. Warar ku dhow Al-Shabab ayaa VOA u xaqiijiyey in dadka la xidhay ay ka mid yihiin Maxamed Cabdullaahi Sardheeye oo hore dhinaca xisaabaadka lacagaha ugu qaabilsanaa ururka Al-Shabab magaalada Kismaayo iyo nin lagu magacaabo Khaalid Caytamow oo ka mid ah qaybta Dacwada ee Gobollada Jubbooyinka.

    Wararka laga helayo ilaha sirdoonka ayaa sheegaya in sidoo kale la tuhunsan yahay in xubno ka tirsanaa xarakada ay u safreen dhulka ay ka taliyaan laamaha Daacish gaar ahaan waddanka Liibiya kadibna ay kusoo laabteen dalka Soomaaliya. Xubnahan waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabo Aadan Xasan oo aan ilaa hadda la garaynayan meel uu ku sugan yahay balse si dhow ula shaqayn jiray garabka Al-Shabab ee buuraha Golis.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay xubno ka tirsan faracyada Daacish ay soo saareen cajalado fiidiyow ah oo ugu baaqaya Al-Shabab inay ku biirto Daacish, arrintaas ilaa hadda Al-Shabab hoggaankoodu way ka dhego-furaysteen, mana cadda sida ay u saamayn doonto tallaabada ay qaadeen kooxda buuralayda Golis.

    Roland Marchal oo ka tirsan Xarunta Cilmi-Baarista ee Paris oo wax ka qora arriimaha Al-Shabab ayaa shaki ka muujiyey in ay tani dhaqaajin doonto hoggaanka Al-Shabab.

    Waxa uu sheegay inaanu fahmi Karin sida ay ay Al-Shabab ugu biiri karto Daacish xilli, ayna go’aan adag ku tahay sida ay uga bixi karaan baycada ay hore ula galeen ururka Al-Qaacida.

    Isha: VOA

    Alshabab Daacish Galgala ISIS Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGolaha Ammaanka oo sii kordhiyay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya
    Next Article Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya oo Gaadiid ciidan ugu deeqay Booliska Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo