Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu maanta ku laabanayo magaaladaasi, isagoo muddo dheer ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa socda abaabul ku saabsan ciidamo loo dirayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kuwaasoo laga qaadayo magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobley si loogu xoojiyo ciidamada C/rashiid Janan ee ku sugan aagga Beledxaawo ee qorsheynayaha inay iska caabiyaan ciidamada dowladda Federaalka.
Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe doonayo inuuu diro Gobolka Gedo ayaa gaaraya ilaa 200 askari, waxaana ay qeyb ka yihiin qorshe looga hortegayo ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo oo la wareegay degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo.
Dowladda Kenya ayaa ku taageereysa maamulka Jubbaland inuu dagaal la galo ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana Kenya ka bilowday dood ku saabsan kaalinta Kenya ku leedahay taageerada C/rashiid Janan iyo Axmed Madoobe, markii qaar ka mida xildhibaannada Kenya ay ka hor yimaadeen siyaasadda Kenya ee ku wajahan Soomaaliya.