Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo saraakiil la socota oo maanta Gaaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Gen. Indha-qarshe ayaa uga mahadceliyay Axmed madoobe sidii loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo, wuxuuna intaas ku datay in socdaalkiisa magaalada Kismaayo uu ku saabsan yahay sidii uu xog ogaal ugu noqon lahaa xaaladda Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa hore u soo celiyay taliyihii ay dowladda Soomaaliya magacawday qeybta 43-aad, Jen. Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa hadda ogolaaday inuu shaqadiisa si rasmi ah u wato, kadib wadahadal la sheegay inuu dhex maray labada dhinac.
Wararka ayaa sheegay in Axmed Madoobe oo ahaa ninka ugu mowqifka fog madaxda maamul Goboleedyada ee sida weyn uga horjeeday dowladda Federaalka uu hadda isbedel ku yimid iyadoo ay socdaan xiriiro la isaga dab qaadayo Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka.