Beesha Absame ayaa shuruud adag ku xirtay qorshe lagu doonayay in looga qanciyo arrinta sarkaalkii ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee loo dhiibay dowladda Itoobiya.
Xildhibaanada Beeshan kasoo jeeda, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xalayRa’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo halkaasi lagu soo afjaray heshiis laga gaaray arrintan oo xiisad weyn ku dhalisay dowladda.
Xildhibaannada beeshan ayaa hore uga baxay kana carooday kulan dhex maray xildhibaanada beesha Daarood, iyagoo dalbaday in damaanad qaad laga siiyo siyaasiyiinta iyo saraakiisha beeshan inuusan dib u dhicin falkii Qalbi dhagax oo kale.
Xildhibaanada beesha Absame ayaa mar kale maanta lagu wadaa inay kulan la qaataan xildhibaannada beesha Daarood ayna raaligelin ka bixiyaan tallaabadii ay hore u qaadeen, iyadoo sidaasi lagu gaarayo go’aanka xildhibaannada Beesha Daarood ee Baarlamaanka Federaalka.
Wadani