Iyadoo ay socoto qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan musharixiinta xilalka guddoonka u tartamaya.
Dhammaan xildhibaanada Aqalka sare ka mida waxay isku sharxi karaan saddex xil ee guddoonka, laakiin waxaa la isla ogyahay in xilka Guddoomiyaha loo qoondeeyay Beesha Dirta Waqooyi, halka guddoomiye ku xigeenada ay ku loolamayaan Hawiye, Daarood iyo beelo kale.
Beesha Hawiye oo hadda u muuqata inay olole ugu jirto Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare waxaa musharaxiinta xilkan doonaya ka mida: Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) Milkiilaha Goobjoog Media iyo Cabdi Axmed Dhuxulow oo labadaba kasoo jeeda beesha Hawiye.
Beeshii ku soo baxda guddoonka Aqalka sare waxay weyn doontaa wasiiradii ay ka heli lahayd xukuumadda cusub, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga beelaha dhexdooda ah.
Guddiga Doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa ilaa iminka qabtay arjiga hal musharax, waxaana lagu wadaa in ilaa berito ay musharixiin badan geeyaan codsiyadooda musharxnimo.
Wadani.com