Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Buuq ka taagan Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan & Cabsi laga qabo Dagaal ka dhaca

    XOG: Buuq ka taagan Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan & Cabsi laga qabo Dagaal ka dhaca

    May 20, 2017Updated:May 21, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro buuq dhaliyay gacan ka hadal iyo khilaaf  ba’an oo safaaradda dhexdeeda ah.

    Buuqa ayaa ka dhashay kadib markii Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas oo siihaye ka dhigtay nin ay isku heyb hoose yihiin oo Xoghaye labaad loo soo magacaabay xiligii dalka kala guurka ku jiray ee doorashada socotay.

    Diblumaasiyiin ku sugan Magaalada Khartuum ee Suudaan  ayaa Wadani.com u sheegay inay aad uga xumaadeen markii safiirka oo u muuqda nin xilkiisa safiirnimo wayn raba inuu awood iyo dalacsiin siiyo laba nin oo isku beel hoose yihiin.

    Xogta ayaa sheegeysa in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan lagu maamulo qaraabo-kiil cad oo aan gambad lahayn, taasoo ay caddeyn u tahay in baabuurkii safaaradda iyo shaambadii loo gacan galiyay hal qof oo safiirka isku heyb hoose  yihiin iyadoo ay joogaan laba qof oo ka darajo sareeya ninkaas.

    Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas
    Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas

    Xaaladda Safaaradda ayaa cakiran iyadoo laga cabsi qabo inuu gacan ka hadal ka dhaco xarunta safaaradda, taasoo ay sabab u tahay dhaqanka Safiirka oo shaqaalaha safaaradda ka dhigay kuwo col ah oo is heysta.

    Abuukar Boston oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa la sheegay inuu xaq u lahaa xilka sii-hayaha iyo Qunsulka, horena loogu soo magacaabay, balse safiirku ka hor yimid.

    Axmed Ibraahin Buurfuule oo isna ah xoghaya koowaad ee Safaaradda ayaa la sheegay in xaqiisa la duudsiiyay oo lagu wareejiyay wiil yar oo xilli danbe la keenay safaaradda xilkaasina loo dhiibtay.

    Xaaladda ayaa gaartay in Xafiiskiisii Axmed Buurfule la jabsaday kadibna la dajiyay nin ay ilma adeer yihiin safiirka kaasoo ilaa hadda xoog ku degan haddana loosii dhiibay safaaradda. Cabasho shaqaalaha safaaradda Suudaan u diren Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaanay wax jawaab ah ka helin.

    Xoghayaha labaad ee safaaradda Saxarla Cusmaan oo xilka muddo 5 sano heysay ayaan wax ixtiraam ah ku heysan safaaradda, kadib markii xilkeedii lagu wareejiyay wiil qabyaalad ku yimid shaqada, waxaa laga digayaa in iska hor imaad ka dhaco safaaradda kadibna sidaa safaaradda loo xiro.

    Wadani.com

    Safaaradda Suudaan Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas Safiirka Suudaan Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleItoobiya oo dhaqaale Malaayiin doolar ah ka heshay Koronto ay u dhoofisay Jabuuti & Suudaan
    Next Article Ciidamo ka tirsan ilaalada degaanka ee Minishiibiyo oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo