Madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa bilaabay dhexdhexaadin ku saabsan is-mari waaga ka taagan Doorashada Dadban ee 2021.
Wararka ayaa sheegaya inuu C/casiis Laft-gareen khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Axmed Maxamed Islaam, isagoo kala hadlay sida xal loogu heli karo arrimaha hortaagan Doorashada, ayna u bilaaban lahayd Doorashada senatoorada Aqalka Sare.
Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweyne Lafta-gareen uu Puntland iyo Jubbaland usoo jeediyey laa Qodob oo looga gudbi karo is-mari waagga Doorashada oo kala ah: inay marka hore magacaabaan Guddiyada Doorashada heer dowlad Goboleed, kadibna xalka arrimaha taagan la galo, isaguna uu hormuud ka noqon doono.
Ma jirto jawaab kama dambeys ah oo Siciid Deni ilo Axmed Madoobe ay siiyeen, laakiin isla talo soo jeedintan wuxuu madaxweynaha Puntland ka diiday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo tegay magaalada Garowe.
Waanwaanta Lafta-gareen oo timid markii uu meesha ka baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor-ka Galmudug ayaa u muuqata mid aan natiijo kasoo bixi doonin, iyadoo ku bilaabatay qodobo hore loogu fashilmay.
