Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dadaal dheeraad ah ku bixiyey in xildhibaannada Beeshiisa aysan u codeyn metelaadda G/Banaadir.
Sida ay sheegayaan xog aanu ka helnay xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mid mid ula hadlaya xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha Digil & Mirifle, wuxuuna ka dalbanayaa inay ka hor yimaadaan metalaadda G/Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada kasoo jeeda K/Galbeed ay ku kala qeybsan yihiin arrinta metelaadda G/Banaadir oo intooda badan ay taageereen, laakiin Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu cadaadis weyn ku hayo saacadaha ugu danbeeya ee codeynta, isagoo qaarkood ugu hanjabaya in haddii ay taageeraan arrintan ay halis ku noqoneyso mustaqbalkooda siyaasadeed iyo kuraastooda ay doonayaan inay dib loo doorto.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa si weyn uga horjeeda nidaamka Doorashada ee Baaralmaanka, waxaana dagaal siyaasadeed uu kala dhaxeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, isagoo daneynya in Baaralmaanka Federaalka la xiro si madaxda maamul Goboleedyada uga taliyaan arrimaha Doorashada.