Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey ayaa cafis ka dalbaday Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadib markii uu sheegay inuu isagu abaabulay, kana danbeeyay qaabkii xilka looga tuuray xukuumadii Kheyre 25-kii July 2020.
C/weli Muudey oo shalay ka qeyb galay shirka Muqdisho uga socda musharixiinta xilka Madaxweynaha isagoo la socda Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa shirka oo albaabada u xirnaa markii ugu horeysay u sheegay qaabkii ay ku dhacday kalsooni kala noqoshadii xukuumadii Xasan Cali Kheyre, wuxuuna caddeeyay in qorshaha intiisa badan uu isagu lahaa.
Muudey ayaa cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre isagoo ku kaftamay inay u fiicneyd in xilka laga qaado marka la eego sida ay xaaladda hadda mareyso. Xasan Kheyre ayaa kulanka ka sheegay inuu cafiyey C/weli Muudey, Guddoonka iyo Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa gelinkii danbe ee shalay ka qeyb galay shirka Musharixiinta Mucaaradka oo lagu casuumay inay ka hadlaan xaaladda dalka, waxyana ka deyriyeen xaaladda uu dalku ku socdo.
