Madaxweynihii xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa gelinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Imaanshaha Cali Cosoble ee Muqdisho ayaa sabab looga dhigay inuu kulamo la yeelanayo wakiilada beesha caalamka, kadib markii ay baaqsadeen inay tagaan magaalada Jowhar, taasoo uu ka codsaday Mudane Cosoble.
Dhinaca kale Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isagoo ku soo qaaday xaalada Hirshabeelle.
Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hirshabeelle ayaa ololihii ugu danbeeyay ugu jira sidii beesha caalamka ay u badbaadin lahayd kursigiisa, wuxuuna qoraalo fara badana u diray wakiilada beesha caalamka isagoo ku faahfaahiyay qaabka xilka looga tuuray.
Wadani