Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Cali Guudlaawe oo Dagaal Siyaasadee la galay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha iyo Sababta

    XOG: Cali Guudlaawe oo Dagaal Siyaasadee la galay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha iyo Sababta

    August 6, 2021Updated:August 7, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhexda u galay khilaaf siyaasadeed oo Doorasho  iyo mid maamul oo uu isagu gacantiisa ku sameystay, kadib markii uu qaatay go’aano iska horjeeda oo uu ku doonayo inuu wada qanciyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka, taasoo ay u dheer tahay khilaafka gudaha maamulkiisa iyo Beelaha kasoo horjeeda.

    Cali Guudlaawe oo ka mid ahaa madaxda taageersan Farmaajo ee markii danbe ka hor yimid muddo kororsigii uu sameystay ayaa ku guul darreystay inuu xubno dhexdhexaad ah kusoo daro Guddiga Doorashada Hirshabeelle, iyadoo xubnihii laga saaray mar kale ku bedelay shaqsiyaad uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya oo keenay inuu khilaaf  soo dhex galo xubnaha Guddiga.

    Guudlaawe wuxuu diiday dhammaan codsiyadii Midowga Musharixiinta ee kasoo jeeda Hirshabeelle, isagoo u xaglinaya Farmaajom, halka Musharixiinta Mucaaradka uu mid kasta u sheegay inuu isagu u joogo, kuna kalsoonaado, waxaana mar dhow la xaliyey khilaafka arrintan dhalisay ooo dhex maray Cali Guudlaawe iyo mida ka mida Madaxweynayaashii hore oo ah musharax madaxweyne.

    Go’aan qaadasho la’aanta Cali Guudlaawe ka sokow waxaa weli taagan xaaladii ka dhalatay Doorashadiisa iyo gadoodka Beesha Gobolka Hiiraan u badan oo keenay inuu tegi waayo magaalada Beledweyne oo uu doonayey inuu isku caleemo saaro.

    Dhammaan madaxda Hirshabeelle waxaa xarun hadda u noqotay magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin muddo dheer, iyadoo aan ku laaban degaanada ay maamulaan oo xaalado adag heystaan, kuna jira  nolol adag iyo mid maamul la’aan.

    Ma cadda sida doorashada uga dhici doonto magaalada Beledweyne, iyadoo uu taagan tahay khilaafka Cali Guudlaawe iyo Beesha Gobolka Hiiraan u badan, mana jiro wax dadaal ah oo uu u galay sidii arrintan wax looga qaban lahaa mudaddii 10-ka bilood ahaa ee uu ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo ay soo baxdo inuu olole ugu jiro inaysan doorasho ka dhicin Beledweyne, shuruudna uga dhigay inuu isago tago marka hore, sida uu shaaciyey ku xigeenkiisa Yuusuf  Dabageed.

    Iyadoo sharciyadiisa dood ka taagan tahay oo Gobol ka mida labadii Gobol ee uu madaxweynaha u ahaa aanu tegi karin ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle dagaal cusub ku furay mid ka mida wasiirada ugu awoodda badan Wasiiradiisa oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maxamed Cali Caadle.

    Guudlaawe  oo la sheegay inuu muddo dheer dadaal ugu jiray inuu meesha ka saaro Wasiir Caadle, balse ku guuldarreystay ayaa hadda la ogaaday inuu ka faa’iideysanayo wareysi uu bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo uu si waaqici ah uga hadlay tabashada ay qabto Beesha Gobolka Hiiraan ugu badan ee ah Saami  qeybsiga beelaha Hirshabeelle.

    Wasiir Caadle wuxuu wareysiga kusoo bandhigay qaabkii loo dhisay Hirshabeelle iyo khaladaadkii dhacay intii uu socday dhismaheeda, isagoo si cad u sheegay xalka arrintaasi iyo inay ku wada dulman yihiin awood qeybsiga labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, arrintan oo aan la ogeyn sababta uu uga carooday Cali Guudlaawe .

    Waxaa baraha bulshada lagu arkay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha yaryar ee Gobolka Hiiraan ee  la baxay Isbaheysiga oo weerar ku haya Wasiir Caadle, waxaana abaabulka beelahaasi lagu eedeeyay  inuu wado xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe, taasoo caddeynteeda la helay markii xildhibaanno ku dhow Cali Guudlaawe ay si cad ugu  taageereen baraha bulshada xil ka qaadista Wasiir Caadle.

    Ujeedka arrintan ayaa lagu sheegay in Cali Guudlaawe uu doonayo inuu khilaaf ka dhex  abuuro Wasiir Caadle iyo beelahaasi si ay ugu suuragasho marmarsiiyo uu xilka uga qaado, taasoo muddo uu ku dhiiran waayey.

    Tan iyo intii uu Hirshabeelle madaxweynaha ka noqday Cali C/llaahi Guudlaawe wuxuu maamulkaasi galay xaalad hubanti la’aan ah iyo mugdi siyaasadeed oo hareeyay mustaqbalka iyo wadajirka Hirshabeeelle, wuxuuna Cali Guudlaawe ku fashilmay inuu maamulkaasi hore u wado ama isku dayo xal u helida caqabadaha hortaagan.

    Markii uu Guudlaawe xalin waayey  tabashooyinka beelaha wax ka dhisay maamulka  Hirshabeelle, wuxuu hadda doortay dariiq cusub oo ah inuu qalallaase ka dhex abuuro maamulkii uu hogaaminayey dhexdiisa , taasoo caddeyn u ah inuusan sii hoggaamin karin Hirshabeelle oo xaaladah adag dhinac waliba ka heystaan.

    Cali Guudlaawe Doorashada Hirshabelle Maxamed Caadle Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXubnaha Guddiga uu magacaabay Cabdi Xaashi oo qaadacay Doorashada uu wado RW Rooble
    Next Article Mareykanka oo Liiska Argagixisada Caalamiga ah ku daray Afhayeenka Guud ee Alshabaab Cali Dheere iyo..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo