Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada uu tababaray Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ay caawa howlgal ay fuliyeen ku afduubteen mid ka mida mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen hoyga mas’uulkan oo lagu magacaabo Shariif Awliyaale, kaasoo ahaa guddoomiyaha waaxda Jaamacadaha ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyagoo kadibna u kaxeystay meel aan la garaneyn.
Lama sheegin sababta ay ciidamadan u kaxeysteen guddoomiye waaxeedkan iyo waxa ka dhaxeeya ciidamada Imaaraadku tababarray ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Ciidamada Imaaraadku tababarray ayaa Muqdisho ka fuliya howlgallo u gaara iyo qaar ay amarto dowladda Imaaraadka, waxaana la wada ogyahay weerarkii ay ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.