Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025Updated:May 27, 20252 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Nairobi (Wadani Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo maalmo ka hor uu tegay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo kaga sii gudbay dalka Imaaraadka Carabta balse hadda ku soo laabanaya Nairobi.

    Sida ay ogaatay Wadani Online, Cirro iyo Deni ayaa ku ballamay inay ku kulmaan magaalada Nairobi, waxaana qodobada ugu xasaasisan ee ay ka wadahadli doonaan ka mid ah mowqifkooda ku aaddan maamulka SSC-Khaatumo.

    Somaliland iyo Puntland waxay ka mideysan yihiin diidmada dhismaha maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya siisay aqoonsi rasmi ah, tallaabadaas oo ay u arkaan mid halis ku ah danahooda siyaasadeed iyo amni.

    Labadan maamul ayaa hore ugu dagaalami jiray dhulka hadda laga dhisay maamulka Khaatumo, waxayna hadda isku raacsan yihiin inaysan oggolaan karin in maamul kale laga hirgeliyo deegaankaas.

    Cirro iyo Deni oo dhowaan bilaabay wadahadal toos ah, isla markaana ku guuleystay inay maxaabiis is-dhaafsadaan iyagoo aan cidna dhex-dhexaadin, ayaa hadda sii xoojinaya is-fahamka siyaasadeed ee ka dhexeeya.

    Caqabadda ugu weyn ee si isku mid ah ay u dareemayaan Somaliland iyo Puntland waa dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, waxaana la filayaa inay ka gaaraan go’aan mideysan oo ku saabsan halista ay ka arkaan taageerada buuxda ee dowladda federaalka ah siineyso maamulkaas.

    Labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa hadda wajahaya xaalad adag, maadaama dhulkii ay ku muransanaayeen, oo ay dhowaan maxaabiis ku kala qabsadeen, uu hadda isu beddelayo deegaan ka go’aya gacantooda una xuubsiibtamaya maamul cusub oo lagu magacaabo Khaatumo.

    Somaliland, oo dagaal looga saaray dhulka SSC, waxay wajahayaan caqabado la xiriira arrimaha xuduudaha, taasoo meesha ka saaraysa dooddii ahayd inay koonfur uga go’een dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray.

    Puntland dhankeeda, waxay halis ugu jirtaa inay lumiso beesha Warsangeli ee Daarood, oo la filayo inay si buuxda ugu biirto maamulka SSC-Khaatumo, una midoobaan beesha Dhulbahante. Arrintan ayaa ka dhigan in xildhibaanadii beelahaas laga soo dooran jiray Boosaaso iyo Garowe laga yaabo in hadda kadib laga soo doorto magaalada Laascaanood.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGaraad Jaamac oo laba kala dooran siiyey Somaliland
    Next Article Go’aanka Kenya: Somaliland oo la kulantay cawaaqibka xiriirkii ay la sameysay Taiwan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo