Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG CULUS: 5 Arrimood oo dhaliyey Qeylo-dhaantii Dowladda Mareykanka ee isbedellada Ciidamada Somaliya?

    XOG CULUS: 5 Arrimood oo dhaliyey Qeylo-dhaantii Dowladda Mareykanka ee isbedellada Ciidamada Somaliya?

    September 11, 2020Updated:September 14, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Farriintii ay barteeda twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Mareykanka 8-da Septembar 2020 ayaa soo shaac bixiyey heerka uu gaaray musuq iyo qaraabo-kiil ka dhex socda Hay’adaha Amniga muddo 45 casho ah oo dalku uu ahaa Ra’iisal wasaare la’aan si toos ahna looga maamulayey Villa Somalia. (Akhriso Warkan)

    Qoraalka Safaaradda Mareykanka waxaa ku soo xigay kulan garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ka socday Wasaaraddda Difaaca Mareykanka oo arrimo xasaasi ah looga hadlay, inkastoo aysan labada dhinac shaacin wixii uu kulankaasi ku saabsanaa.

    Xogta la helay ayaa sheegeysa in Bishii la soo dhaafay, xafiiska madaxweyne Madaxweyne C/llaahi Farmaajo uu qaaday tallaabooyin lagu doonayey in lagu siyaasadeeyo laamaha amniga ee Qaranka, sidoo kalena looga faa’iidaysanayo xiliga kala guurka ah ee xukuumad la’aanta ah.

    Mas’uulka kaliya ee farriintii Safaaradda ka jawaabay wuxuu ahaa la-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmajo ninka lagu magacaabo Cabdi-Saciid Maxamed Cali oo ka mida ragga ugu dhow Madaxweynaha ee arrimahan ku lugta leh, wuxuuna jawaabtiisa ku sheegay inay soo dhoweynayaan taageerada Beesha Caalamka, laakiin inay waajib tahay Hay’adaha Soomaalida ay yeeshaan talada iyo fulinta.

    Waxaa dhacay arrimo halis ku ah dib u dhiska ciidamada dalka oo sababay qeylo dhaanta iyo digniinta kasoo baxday Mareykanka, waxaana la ogyahay in Mareykanku uu dib u soo celiyey taageeradii isugu jirtay tababarka, Saadka iyo mushaarka ciidamada Danab ee xoogga dalka markii uu dib u habeynta ciidamada la wareegay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kalsoonidaas oo muddo bil ka yar qarka u saaran inay burburto.

    Arrimaha ugu waaweyn ee dhacay xilligan kala guurka waxaa ka mida:

    1. Waxaa qaab musuq-maasuq ku salaysan la isugu beddelay hoggaannada ciidanka xoogga, iyada oo dad aan khibrad lahayn lagu beddelay taliyeyaal muddo shaqada ku jiray, taasina waxa ay khalkhal iyo nidaam-darro ku dhex abuurtay ciidanka;

    2. Ciidamadii degganaa shanta buundo (Balcad, Afgooye, Jannaale, Sabiid/Caanoole, Bariirre iyo Awdheegle/ Mubaarak ) ee halkaas loo geeyey si looga hortago Gawaarida qaraxyada ee Al-Shabaab caasimadda u soo wadaan ayaa waxaa lagu beddelay kuwo qaab qabiilaysan u abaabulan oo dad gaar ah daacad u ah;

    3. Taliyihii ciidanka kumaandoosta ah ee Danab, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa shaqadii si degdeg ah looga joojiyey iyada oo aan la sheegin sababta;

    Taliyihii ciidanka kumaandoosta ah ee Danab, Ismaaciil Cabdimaalik

    4. Agaasimihii Tubta iyo Amniga iyo Caddaaladda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Liibaan Cabdullaahi Xuseen, ayaa shaqadii iska casilay 27-kii Agoosto, kaddib markii uu farogelin iyo cadaadis kala kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha.

    5. Isbedello kale oo Mareykanku ka war helay inuu damacsan yahay madaxweyne Farmaajo, isagoo doonaya inuu taliye cusub u magacaabo ciidamada Danab.

    Mas’uuliyiinta awoodda Madaxweynaha adeegsanaya ee arrimahan ku lug leh ayaa waxaa ka mida Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo loo maleynayo inuu jiheynayo Agaasimaha NISA iyo Cabdi-siciid Maxamed Cali, iyadoo Madaxweyne Farmaajo la rumeysan yahay inuu doonayo taliyeyaal isaga u daacad ah xilligan kala guurka ah oo uu raadinayo inuu dib loo doorto ama uu helo muddo kororsi.

    Isha: Wadani.com

    AFRICOM Danab Musuq US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAfhayeenka Booliska: “Dheemish ayey ahaayeen Qaraxyadii Caawa, mana jiro wax qasaare ah” (Sawirro)
    Next Article Dacwad oogaha Soomaaliga ah ee Kenya oo Amray in Musuq loo xiro Duqa Gaarisa & gacan-yareyaashiisa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo