Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XOG CULUS: Baaritaan ku socda Wasiir Lunsaday kharash loogu talogalay Dastuurka KMG ah

    XOG CULUS: Baaritaan ku socda Wasiir Lunsaday kharash loogu talogalay Dastuurka KMG ah

    April 26, 2016Updated:April 26, 20164 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Fadeexad lagu lunsaday lacago loogu talogalay baahinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa hareeyay Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya sida warbixino iyo qoraalo ay heshay Wadani.com ay muujinayaan.

    Wasaaradda ayaa Qandaraas uga qaadatay Hay’adda  Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP in Dastuurka KMG ah la gaarsiiyo Gobollada Dalka, kuna qaadatay mashruuc weyn oo hanti badan lagu siiyay ayaa ku fashilantay, waxaana wasiirka Dastuurka xukuumada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen la sheegay inuu ku takri falay lacagtii loogu talogalay baahinta Dastuurka.

    Qorshaha baahinta Dastuurka 

    Qorshahan ayaa ujeedkiisu ahaa in ilaa shan magaalo oo ka mida Dalka lagu qabato doodo ku saabsan Dastuurka KMG ah, iyadoo shir waliba loo qoondeeyay inay ka qeyb galaan qeybaha bulshada iyo maamulada dalka oo laga talo gelinayo wax bedelka Dastuurka.

    dasta (2)
    SHIRKII DASTUURKA EE BAYDHABA

    Sida mashruuca UNDP kharashkiisa bixisay sheegayo waxaa shir kasta loo qoondeeyay lacag dhan ku dhow 100,000$. Wasiir Xuseen Badni ayaa qabtay ilaa iyo imink shir ka dhacay magaalada Baydhaba, waxayna dadkii qabanqaabiyay shirka u sheegeen Wadani.com in shirka oo dhami ay ku baxday lacag ka yar 20,000$, iyadoo shan meelood afar, lacagtii shirkaasi ay jeebka u gashay Wasiirka iyo kaaliyihiisa ay heshiiska ku yihiin oo ah agaasimaha Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

    Shirkii labaad ee Muqdisho ka dhacay oo shalay uun la soo gabagabeeyay, isagoo socday intii u dhaxeysay 24-25 April 2016. ayaa isna la sheegay in kharash aan ka badneyn kii Baydhaba lagu bixiyay.

    SHIRKII MUQDISHO EE DASTUURKA
    SHIRKII MUQDISHO EE DASTUURKA

    CABASHADA SHAQAALAHA & KU TAKRI FALKA HANTIDA WASAARADDA

    Shaqaalaha  wasaaradda Dastuurka oo ka mida kuwa ugu shaqada badan xilligan kala guurka ah ayaa qaba dhibaato ka badan tan heysata shaqaalaha kale ee dowladda, waxayna rajo badan ka qabeen mashruuca UNDP ee baahinta Dastuurka oo laga shaqaaleysiiyay 16 qof, laakiin waxaa nasiib darro noqotay inaysan muddo saddex bilood ah shaqaalaha cusubi helin wax mushaar ah.

    Waxaa kaloo la yaab leh in shaqaalaha la duudsiiyay Gaari talogalay inuu shaqada geeyo mashruuca kiradiisa laga bixinayo mashruuca ay lacagtiisa bixisay UNDP, laakiin shaqaalaha ayaan helin wax gaadiid raac ah, isla markaana laga leexsaday lacagtii loogu talogalay in gaari loogu kireeyo.

    Shaqaalaha mushaar la’aanta iyo gaadiid xumida ku dhacday ee Wasaaradda Dastuurka ayaa ka war helay in Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Agaasime Maxamed Abuukar Zuberyr uu mid waliba iibsaday Gaari cusub. Wasiirka ayaa iibsaday gaariga Toyota HILUX oo ah gaariga madaxda la ilaaliyo ku socdaan, halka Agaasime Zubeyr uu isna iibsaday gaari weyn oo nooca raaxada ah.

    FADEEXDDA OO GAARTAY MAS’UULIYIINTA SARE EE DOWLADDA

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ay isku heyb yihiin, si aad ahna ula socday arrimaha Dastuurka ayaa aad ua carooday hab-dhaqanka Wasiirka Dastuurka, waxaana arrintan ka wadahadlay madaxda Sare ee dowladda oo la gaarsiiyay warbixinta mashruuca uu hantidiisa uu lunsaday wasiirka Dastuurka iyo agaasimihiisa, oo kaliya kharash baxay iyo qoraalo (reports) u gudbiya hay’adda UNDP,  iyadoo la sugayo tallaabada xigta ee la qaadi doono.

    HANTI DHOWRKA OO SOO DHEX GALAY ARRINTAN

    Xubno ka socda Hanti dhowrka Qaranka ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Dastuurka ee magaalada Muqdisho iyagoo xiray wasaaradda isla markaana baaritaan lama filaan ah ku bilaabay markii ay ku amreen shaqaalaha wasaaradda inay dibadda ka joogaan wasaaradda inta uu baaritaanka ku socdo.

    Baaritaankan xilliga xasaasiga ah yimid  oo uu hogaaminayo hanti dhowraha guud ee  Qaranka Nuur Faarax ayaan la ogeyn cidda gadaal ka riixeysa, waxaana wasiirka uu hadda dareemayaan xaalad adag oo soo wajahday wasaaradiisa oo ku dhex jirta fadeexad hanti lunsi, taasoo ay ka war heleen, hay’adaha dowladda iyo Hay’adda UNDP ee kharashka bixisay oo hadda joojisay qarashaadkii harsanaa oo dhan.

    Lama oga saameynta ay arrintani ku yeelan doonto shirka weyn ee dib u eegista Dastuurka oo lagu waday in horaanta Bisha May oo ka dhaco magaalada Garowe.

    GOOBJOOGE.COM


    DIGNIIN: Website-yada iyo qorayaasha Soomaalida waad soo xigan kartaan qormada, laakiin xatooyadu waa ku ceeb mihnada Saxaafadda

    Dasuurka dalka Top UNDP Wasiir Badni Wasiir Lunsaday kharash Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO VIDEO: Daacish oo soo saartay Filim muujinaya awoodda ay ku leedahay Soomaaliya
    Next Article Al-Shabab Militants Kill 8 Somali Gov’t Soldiers

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo