Friday, May 16, 2025

XOG CULUS: Cumar C/rashiid oo taageero ka helay xildhibaanada ka horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh

Ra’iisal wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid Cali ayaa taageero muhiim ah ka helay isbaheysi ay leeyihiin xildhibaanadii taageeray Ra’iisal wasaarihii ka horeeyay C/weli Sheekh Axmed kadib kulan hore u dhex maray oo ay shuruudo ku xireen inay ansixiyaan marka la hor keeno Baarlamaanka.

Isbaheysigan oo si weyn uga horjeeda siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan adag ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta waxayna dood dheer oo adag kadib isla garteen inay ansixiyaan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, isla markaana shuruudahooda ay u gudbiyaan, kadibna haddii uu kasoo baxo shuruudahooda oo awood qeybsigu ugu weyn yahay oo kaliya ay kalsoonida siin doonaan xukuumadda uu soo dhiso. (Akhri Shuruudaha xildhibaanada isbaheystay)

Kulan kale oo galabta dhex maray Cumar C/rashiid iyo xildhibaanadii ka horjeeday madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada dhinac heshiis kumeelgaar ah ku gaareen. Waana guushii ugu horeeyay ee uu gaaro  Cumar C/rashiid, waxayna tani kalsooni siineysaa madaxweyne Xasan Sheekh inuu baarlamaanka horkeeno Ra’iisal wasaaraha magacaaban oo markii hore cabsi weyn laga qabay.

Ad

Xildhibaan Bashiir Nuur Ibraahin ku hadlay magaca xildhibaanada la kulmay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan magacaabidda Cumar C/rashiid isla markaana ay ansixin doonaan marka la hor keeno Baarlamaanka.

Somalia's Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke
Somalia’s Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke

Taageerada qeyb ahaan uu helay Cumar C/rashiid kadib ayaa la filayaa in Arbacada la horkeeno Baarlamaanka si magacaabidiisa ay u ansixiyaan Baarlamaanka. Ansixintaas oo hadda suuragal ah ayaa kadib waxaa ka danbeyn doona imtixaanka dhismaha golaha wasiirada oo dhibaatada ugu weyn ka dhalan doonto, iyadoo la wada sugayo sida uu uga gudbi doono Cumar C/rashiid.

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON