Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XOG CULUS: Dowladda Soomaaliya oo dib ula soo noqonaysa dacwadii Badda ee Somalia & Kenya

    XOG CULUS: Dowladda Soomaaliya oo dib ula soo noqonaysa dacwadii Badda ee Somalia & Kenya

    July 7, 2015Updated:November 7, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlay saddex Ajende
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa habeenkii labaad caawa leh shir aan loo kala kicin iyadoo shirkoodii xalay ay ku gaareen Waaberigii 3:00 habeenimo. Shirarkan ayaa salka ku haya arrin inta badan saxaafadda laga qariyay oo ku saabsan dacwada xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhex taagan.

    gole

    Shirkii xalay oo aad loogu daalay waxay madaxda sare ee dowladda soo diyaariyeen Guddi khubaro ah oo u xil saaran dacwada xuduudka Badda, guddigan oo ah hormuud u tahay haweeney lagu magacaabo Muna Sharmaan ayaa warbixin ka jeedisay shirka golaha wasiirada iyadoo sheegtay in khabiirada u doodaya Soomaaliya ay talo ku soo jeedinayaan inay Soomaaliya la soo noqoto dacwada ay geysay Maxkamadda adduunka.

    Haweeneydan ayaa sabab uga dhigtay taladooda:

    In haddii Soomaaliya sii wadato dacwadeeda ayna dirto 13-ka Bishan July faahfaahinta laga sugayo ay dhici doonto:

    1. In Kenya ay xaq u yeelato inay kusoo jawaabto muddo 8 bilood ah.

    2. In Kenya ay soo xigan karto heshiisyadii is-fahamka ahaa ee hore ay ula saxiixatay dowladda Soomaaliya, taasina ay keeni karto in dacwadu qaadato muddo 20 sanadood ah.

    3. In Kenya ay sii wadan karto baarista shidaalka ay ka wado xuduudka Badda ee lagu muransan yahay.

    Kadiba waxay talo ahaan ku soo jeedisay Dr. Muna in haddii Soomaaliya lasoo noqoto dacwada ay ka heli karto faa’iidooyin ay ka mid yihiin:

    1. In markii ay doonto dib ugu noqon karto dacwadii

    2. In loo aqoonsanayo Soomaaliya inay dadaal weyn u gashay in arrinta xuduudka Badda ee kala dhaxeeya Kenya la xaliyo

    3. Iyo in Kenya ogoshahay waanwaan in lagu dhameeyo muranka xuduudka Badda.

    Golaha wasiirada ayaa dood kulul ka yeeshay arrintan waxaana intooda badan ka hor yimaadeen talada khubarada u doodeysa Soomaaliya, iyagoo ku adkeystay inaysan suuragal ahayn in dacwadaasi la soo celiyo oo ay keeni karto in xukuumadda lagu kaco ayna soo laabato tuhunkii bad-iibsiga ahaa ee hore loogu eedeeyay Cumar C/rashiid.

    Cumar C/rashiid ayaa ku dooday inaan lacag loo haynin dacwada Badda oo muddo dheer socon karta ugu yaraanna u baahan lacag ka badan 5 milyan oo doolar, waxaaba arrintaas ka hor yimid qaar kamida golaha wasiirada.

    Xubnaha Golaha wasiirada ayaa ku taliyay in arrintan lala wadaago guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka inta aan go’aan laga gaarin arrintan halisteeda leh, waxayna arrinta u muuqatay mid hore loo dhammeeyay oo ay ka war qabaan madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kaliya la doonayo in laga ansixiyo Golaha wasiirada.

    Qareenada Soomaalida u doodaya oo ay Muqdisho ka joogto Haweeneyda Muna iyo Khabiir la socda ayaa lagu waday inay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo horeba uga war qabay laguna qanciyay arrintan ay u tageen maanta, lagana helo taageero ku saabsan in Soomaaliya la noqoto dacwada badda ee kala dhaxeysa Kenya.

    Waxaa kaloo la yaab lahayd in Khubaro loo xil saaray dowladda Soomaaliya ay talo ku soo jeediyaan in laga noqdo dacwada Soomaaliya ka gudbisay dalka Kenya ee ku saabsan xuduudka badda ee Kenya sheegatay, waxaana fajaciso keentay in khubaro dacwad loo dirsaday ay keenaan talo shaqadooda lidi ku ah.

    Golaha Wasiirada oo caawa shir kale leh ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan in dacwada ay dowladda Soomaaliya ka taalla maxkamadda adduunka ee ku saabsan muranka xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya dib loo soo celiyo si jidka loogu xaaro in wadahadal lagu dhameeyo arrintan…..!!!

    Wasaarada Warfaafinta ayaa inta ka horeysa qorshahan fulintiisa u xil saaran inay dadka ku maaweeliso inay Soomaaliya qoreyso dacwadii xuduudka Badda oo ay 13-ka Bishan geyn doonto maxkamadda Adduunka, iyadoo aan marnaba ka tanaasuli doonin xaqeeda dhinaca badda ah.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″][ad name=”HTML-6″]

    Fad Golaha wasiirada Xuduudka Badda Kenya & Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland: Ma aqoonsana xeerarka & Guddiyada Qaran ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay..!
    Next Article QARSOODI: Dowladda Soomaaliya oo qaab farsamo ah ula soo noqoneysa dacwadii Badda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo