Friday, May 16, 2025

XOG CULUS: Faarax Sh. C/qaadir oo lagu wado in lagu soo daro Golaha wasiirada cusub

Faarax Sheekh C/qaadir oo kamid ahaa wasiiradii is-riday ee xukuumadii  C/weli Sheekh Axmed iyo xubnihii Golaha wasiirada ee shanta maalmood magacawnaa dibna loola noqday markii mucaarado weyni kaga timid Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo xukuumadda cusub oo ee dhismaheedu hadda socdo.

Xasan-Sheekh-Faarax-C-qaadir

Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadallo xiriir ah oo dhex maray siyaasigan iyo saaxiibkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu madaxweynuhu ogolaaday in Faarax Sheekh C/qaadir lagu daro wasiirada xukuumadda cusub oo la isku shaandheyn doono, inkastoo aanu go’aan kama dambeys ah qaadan.

Ad

Fahad Yaasiin Xaaji ayaa hore isaga casilay jagadii wasiir ee loo magacaabay isagoo ka tegay magaalada Muqdisho una safray  Nairobi, waxaana booskiisa la filayaa in lagu bedelo Faarax oo wasaarad kale loo dhiibi doono. Soo celinta Faarax Sheekh C/qaadir ayaa laga cabsi qabaa inay dib u soo celiso diidmadii Kutlooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka oo hore ee  afar xubnood oo uu ka mid yahay lagu soo daro xukuumadda cusub.

[ad name=”HTML-2″]

Warar kale oo Goobjooge.com ka heleyso madaxtooyada ayaa sheegaya inay rajo soo gashay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo isna ka mid ahaa afarta xubnood ee xildhibaanada qaarkood diideen, iyadoo xusul duubka siyaasadeed ee ka mid noqoshada Golaha wasiirada cusub si xowli ah u socdo.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON