Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Tooshka GJ»XOG CULUS & FADEEXAD: Wasiir C/raxmaan Beyle oo xil ka qaadis ku sameeyay safiir caan ah mid kalena magacaabay

    XOG CULUS & FADEEXAD: Wasiir C/raxmaan Beyle oo xil ka qaadis ku sameeyay safiir caan ah mid kalena magacaabay

    January 25, 2015Updated:April 3, 20173 Mins Read Tooshka GJ
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    GOOBJOOGE EXCLUSIVE REPORTS

    Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ku dhaqaaqay tallaabo sharci darro iyo fadeexad kale ah kadib markii keligiis bedel ku sameeyay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Cumaan isla markaana magacaabay safiir cusub.

    Wasiirka oo horeba fadeexo kale ugu dhex jiray ayaa arrintan waxay noqoneysaa tii ugu danbeysay tallaabooyin xiriir ah oo uu iskiisa ugu dhaqaaqay. Qaar kamida howlwadeenada waaweyn ee wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wasiir Bayle ku tilmaamay wasiirkii ugu xumaa abid ee wasaaradaasi soo mara, wasaaraduna hadda  ku jiro xilligii ay ugu liidatay weligeed dhinac waliba.

    Qoraal uu Wasiir C/raxmaan Bayle u qoray dowladda Cumaan ayuu cinwaan uga dhigay:

    “U yeeris safiirkii hore iyo magacaabid Safiir cusub”,

    Wasiir Bayle wuxuu qoraalkiisa oo isaga laf ahaantiisa uu hore u qaaday socdaal aan qorsheysneyn oo uu dhowaan ku tegay dalka Cumaan ku caddeeyay in waqtigii 4-ta sano ee sharciga ahayd inuu xilka hayo ay ka dhamaaday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan oo ahaa Xasan Maxamed Siyaad Barre looguna yeeray inuu Wasaaradda arrimaha dibadda ee Muqdisho ku soo laabto, isagoo xilkiisii u gutay sidii ugu wanaagsaneyd.

    Qoraalka wuxuu intaas ku daray in safiirkii hore uu xilka ku wareejiyo safiirka cusub oo  lagu magacaabo C/risaaq Faarax Cali muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 18 Janaayo 2015.

    Qoraalka sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ee magacaabidda iyo kala bedelka safiirada wuxuu dhacay 17-ka Janaayo sida ku cad qoraalka wasiirka ee loo diray dalka Cumaan oo ay Wadani.com heshay, xilligaasina wuxuu ku beegnaa maalintii uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid dib ula noqday xukuumadii uu dhisay, taasoo muujineysa hab dhaqanka sharci darro ee wasiirkani.

    MAXAA KA KHALDAN TALLAABADA SII-HAYAHA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA C/RAXMAN BAYLE?

    1. Arrintani waxay marka hore ka soo horjeedaa Dastuurka Soomaaliya ee KMG ah Qodobkiisa 90-aad, xarafka (l) oo dhigaya inuu madaxweynaha magacaabayo safiirada marka ay u soo jeediyaan golaha wasiirada:

    dast-90

    2. Waxay kaloo kasoo horjeedaa qodobka 99-aad ee isla dastuurka xarafkiisa (h) oo dhigaya in Golaha wasiirada ay leeyihiin soo jeedinta magacaabidda  iyo xil ka qaadista danjireyaasha:

    dastuur10

    3. Waxaa kale oo ay si cad u jebineysaa wareegtadii horaantii December kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu mamnuucay inaan la qori karin, la kala bedeli karin, lana magacaabi karin saraakiisha sare ee dowladda, inta ay ka dhammaaneyso xaaladda siyaasadeed ee taagan. Wareegtadaas oo Wadani.com ay hore u daabacday KA EEG HOOS

    4. Talaabadda wasiir Bayle waxay weji gabax ku tahay diblomaasiyadda Soomaaliya iyo qaababka loo kala bedelo ama loo magacaabo safiirada sida uu shirkii ugu danbeeyay Golaha  wasiirada ka sheegay wasiiru dowlaha wasaaradaasi Md. Burci Maxamed Xamza. Sida sharcigu yahayna magacaabis safiir loo maro in ogolaasho laga helo dowladda loo dirayo safiirka cusub.

    5. Ugu dambeyn fadeexada bedelka safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan Md. Xasan Maxamed Siyaad Barre waxay saameyn ku yeelatay wasaaradaasi oo marka laga reebo wasiirka aan wax war ah ka heynin arrintan, kana war helay markii safar aan qorshe ku jirin ku aaday wasiirka dalka Cumaan.

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo arrintan dacwadeeda shir guddoomiyay Khamiistii hore ayaan rajo badan laga qabin inuu tallaabo ka qaado, laakiin waxayba wararku sheegayaan in wasiir Bayle ku jiro wasiirada dib u soo laabanaya ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu sida weyn ula dhacsan yahay.. waxayna tani qarracan ku noqon doontaa wasaaradda arrimaha dibadda oo mugdi kusii dhici doonta.

    Qoraalka magacaabidda safiirka cusub iyo bedelka safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyay dalka Cumaan

    BAYLE

     

    Wadani.com

    Muqdisho

    GJ-bannerhoose

    FADEEXAD Safiirka Soomaaliya Wasiir Bayle Xasan Maxamed Siyaad Barre
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWARBIXIN ku saabsan natiijadii socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho
    Next Article XOG CULUS: Golaha wasiirada cusub oo gabagabo ku dhow iyo wasiiro baxay & kuwo soo noqonaya

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo