Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Tooshka GJ»XOG CULUS: La-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha oo shaqadii laga joojiyay (XAALADDA KA JIRTA XAFIISKA RA’IISAL WASAARAHA)

    XOG CULUS: La-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha oo shaqadii laga joojiyay (XAALADDA KA JIRTA XAFIISKA RA’IISAL WASAARAHA)

    March 8, 20153 Mins Read Tooshka GJ
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jira xaalad cakiran oo ka dhalatay isbedelka Ra’iisal wasaarayaasha kadib markii uu xilka la wareegay Cumar C/rashiid Cali. Shaqaalaha xafiiska, agaasimeyaasha, agaasime waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha ayaa ka badan 100 xubnood, waxaana usii weheliya ku dhowaad 100 kale oo shaqo sugayaal ah, kuwaasoo xafiiska ku soo biira markii uu Ra’iisal wasaare cusub yimaado.

    xrw02

    [ad name=”HTML-2″]

    Cumar C/rashiid markii uu xilka qabtay wuxuu meel iska dhigay dhammaan shaqaalihii iyo madaxdii hore ee xafiiska wuxuuna la yimid laba shaqsi oo isagu uu wato oo ay saaxiibo iyo xigto yihiin.

    1. Maxamed Cumar Carte oo markii danbe loo magacaabay xilka Ra’iisal wasaare ku xigeen aan heynin jago wasaaradeed, waxay shaqadiisu noqotay inuu xafiiska Ra’iisal wasaaraha rigli ku noqdo.

    2. Maxamed Cali-Nuur Xaaji oo Cumar C/rashiid u magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiskiisa, waana xigto dhinaca hooyada ah, wuxuu la wareegay dhammaan awoodii xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

    3. Afar wasiiru dowle oo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ku magacaaban, kuwaasoo kala ah:

    1. Burci Maxamed Xamsa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’adda (Deegaanka)
    2. Caadil Sheegow Sagaar Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Baarlamaanka
    3. Shariif Maxamed Xasan Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha dib u-habaynta Maaliyadda
    4. C/raxmaan Kulmiye Xersi Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha

    Dhammaan arrimahan waxay uga sii dareen xafiiska oo markii horeba is dul saarnaa, laguna dhib qabay.

    Xaaladda xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo meel xasaasi ah mareysa waxaan ka eegi doonnaa dhinacyo badan laakiin waxaan hordhac ahaan maanta u soo qaadaneynaa:

    A.    LA-TALIYEYAASHA RA’IISAL WASAARAHA

    Kooxdani waxay ahaayeen dad fara badan oo siyaasiyiin iyo odayaal la yaqaan u badan, waxayna ka badan yihiin ilaa 25 la-taliye, waxaana dhowaan lagu amray inay shaqada dib u soo dalbadaan, taasoo micnaheedu yahay in xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay. Qoraal ka soo baxay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maxamed Cali-nuur Xaaji, 11-kii Feberaayo 2015 ayaa wareegto uu soo saaray ku caddeeyey in dhammaan la-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha ee ka horeeyay 2015 ay dib u soo codsadaan shaqadooda muddo toddobaad gudihiis ah, soona gudbiyaan dokumentiyo badan oo ay ku jiraan CV-yadooda, shaqadii ay hayeen warbixin ku saabsan iyo halka ay mushaarka ka qaadan jireen?!!.

    [ad name=”HTML-3″]

    Arrintan oo ka yaabisay la-taliyeyaashii hore ayay intooda badan u arkeen inay meel ka dhac ku tahay, qoraalka warqada iyo farriinta ay xambaarsan tahay, waxayna diideen inay u hogaansamaan amarka xogahaye Maxamed Cali-Nuur. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka meermeeray inuu jawaab waafi ah siiyo xubnahaasi oo qaarkood ay u dacwoodeen, kuna sheegay inay tahay nidaam iyo dib u habeyn xafiiska.

    Moh-ali-nur

    HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATO WAREEGTADA XOGHAYAHA CUSUB EE  JOOGTADA AH XAFIISKA RA’IISAL WASAARAHA KASOO SAARAY LA-TALIYEYESHA.

    [ad name=”HTML-4″]

    Ma cadda hadda waxa ay ku danbeyn doonaan la-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha iyadoo aan si cad loo shaacin in shaqada laga fariisiyay, haddii ay jiraan qaar laga soo reebay soddomeeyada xubnood iyo in arrintooda xal kale loo raadinayo.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    Cumar C/rashiid La-taliyeyaasha Maxamed Cali Nuur Xafiiska Ra'iisal wasaaraha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXil ka qaadista Xasan Muungaab oo saameyn xun ku yeelatay maamulka Gobolka Banaadir (Akhriso Fadeexado waaweyn)
    Next Article UN envoy welcomes progress in Somalia region’s efforts to form assembly

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo