Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Madaxweyne Farmaajo oo dhaqaale ku bixinaya ololaha Doorashada Kenya ee Faarax Macalin

    XOG: Madaxweyne Farmaajo oo dhaqaale ku bixinaya ololaha Doorashada Kenya ee Faarax Macalin

    March 19, 2017Updated:March 19, 20172 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiga Soomaalida Kenya  Faarax Macalin oo siyaasi jagooyin kala duwan ka soo qabtay Kenya ayaa taageero dhaqaale helaya madaxweynaha Soomaaliya si uu ugu adeegsado ololihiisa doorashada.

    Faarax Macalin ayaa magaalada Muqdisho yimid 13 March 2017 si ugu ololeeyo kooxda Asmara kuwaas oo doonaya in xubno ku yeeshaan Golaha Wasiiradda cusub ee dhawaan la dhisayo.

    Kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib ayuu rajo fiican ka muujiyay in xubno ka mida kooxda Asmara xubno muhiim ah ku yeelan doonaan Golaha Wasiiradda cusub.

    Sida la wada og yahay waxaa dhawaan Kenya ka bilaaban doono dooroshooyin taas oo uu Faarax Macalin qorsheynayo inuu noqdo xildhibaan kasoo gala Gaarisa Township, kursigaasoo uu hadda xildhibaan ka yahay Adan Bare Ducaale oo ah hogaamiyaha xisbiga talada dalka Kenya hayo Jubilee . Aadan sharci ahaan waa qofka sadexaad ee ugu sareeya dalka Kenya.

    Xogta la helay ayaa sheegeysa in Faarax Macalin waxa uu kaalmo dhaqaale weydiistay Madaxweyne Farmaajo si uu doorashada ugu galo. Faarax ayaa aaminsan in guusha Madaxweyne Farmaajo ee doorashadii Soomaaliya uu qeyb weyn ku lahaa, isaguna mudan yahay lagu taageero guul uu ka keeno Doorashooyinka Kenya.

    Dhaqdhaqaaqa Faarax Macalin iyo galaangalka uu ku yeeshay madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa keeni kara inuu xumaado xiriirka dowladda Soomaaliya iyo xisbiga Uhuru Kenyatta ee haya talada dalka Kenya, iyada oo uu Farmaajo qorshaynayo inuu safar ku tago 22-ka bishan dalka Kenya.

    Siyaasiga reer Kenya ee Faara Macalin ayaa dhowaan bartiisa twitter-ka ku qoray in ciidamada dalalka deriska ah laga saaro  howgalka AMISOM ee Soomaliya laguna bedelo ciidamoa ka socda dalal kale.

    Faarax  ayaa salka dhigtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo sugaya dhaqaalaha ay siinayaan madaxda Soomaalida. Haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo lacago ku bixiyo doorashada Kenya waxay keeni doontaa arrimaha soo socda:

    1- Shacabka Soomaaliyeed abaartu heyso oo amaanadoodii lagu fashilmay, hantidii Qarankana si khaldan loo isticmaalay.

    2- Faragelin iyo daandaansi siyaasadeed oo dawlada Soomaaliya  ku sameysay dal kale, taasoo wax u dhimmi doonta xiriirka labada wadan ee markii horeba mugdiga ku jiray.

    Wadani.com

    Faarax macalin Farah Maalin Farmaajo Kenya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeriye lagu dhaawacay iska hor imaad ka dhacay Magaalada Muqdisho
    Next Article Madaxtooyada Kenya oo War kasoo saartay Booqashadii Uhuru Kenyatta ee Degmada Dhoobley

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo