Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa quus ku riday beelaha ku tartamaya xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Kulamo uu la qaatay odayaal, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee bBaarlamaanka oo ka soo jeeda ilaa saddex beelood oo ugu tegay inuu xilka Wasiirka Koowaad u magacaabo beelahooda ayuu u sheegay inuusan magacaabi doonin shaqsi beeshiisa u shaqeynaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qofka uu u magacaabayo Ra’iisal wasaaraha aanu ka eegeynin beesha uu ka soo jeedo, laakiin beeshii uu doono ha noqdee inuu ku xulan doono arrimo ay ka mid yihiin howlkarnimo, wadniyad iyo daacadnimo, markaas kadibna beeshiisu ay iska sheegan karto inuu kasoo jeedo.
Farmaajo wuxuu ku adkeystay in beelaha raadinaya xilalka dowladda aysan wax faa’iido ah oo gaara ka heli doonin qofka la magacaabayo, wuxuuna soo qaatay in isagu aan beel lagu sheegi karin, kuna shaqeyn doonin, laakiin beesha uu kasoo jeedo ay sheegan karto.
Wadani.com