Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka mida wasiirada ugu shaqada badan xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa qarka u saaran inuu xilka iska casilo kadib markii culeysyo badan kasoo wajaheen wasaaraddiisa.
Wasiirka ayaa dhowaan laga soo xigtay inuusan wadi karin shaqada wasaaradda oo inteeda badan aan isaga hoos imaanin, waxayna wararku sheegayaan in Wasiir Diini uu marar badan ka cawday iyo shaqadii wasaaradda gaashaandhiga aanu xor u ahayn oo meelo kale ay ka socdaan, isla markaana awoodi waayay inuu xaliyo dhibaatooyin badan oo heysta ciidamada dalka.
Xogta Wadani.com heleyso ayaa sheegaysa in Wasiir Diini uu ka cabtay marar badan faragelinta madaxtooyada ku heyso wasaaradda, siiba arrimaha dhaqaalaha, saadka ciidamada iyo talisyada hoos yimaada wasaaradda.
Taliyaha Saadka ciidamada Xoogga dalka C/llaahi Macalin Nuur ayaa xogtu sheegeysaa inuu yahay shaqsiga ugu awoodda badan wasaaradda oo dhan isagoo xiriir toos ah ka heysta madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaasina ku takri falo hantida iyo saadka ciidamada.
Xaaladda kaliftay inuu Wasiir Diini gaaro heer is casilaad ayaa lagu sheegay inay tahay in maamulka wasaaradda ee dinacyada dhaqaalaha iyo Saadka ay madaxtooyada kala wareegtay oo khaladaad badan oo ka jira mushaarka ciidamada iyo saadka la sixi waayay.
C/llaahi Macalin Nuur ayaa wax badan lagu eedeeyay is daba maris iyo musuq fara badan oo gaaray inuusan ka amar qaadan wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada, isagoo isku haleynaya awoodda madaxtooyada.
Wadani.com