Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»XOG CULUS: Qorshe Ciidamo Boolis looga leexsan lahaa mushaar dhan hal Bilood oo fashilmay

    XOG CULUS: Qorshe Ciidamo Boolis looga leexsan lahaa mushaar dhan hal Bilood oo fashilmay

    January 1, 2015Updated:January 1, 20152 Mins Read Xog cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qorshe lagu doonayay in mushaar hal bil ah looga leexsado kumnaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa fashilmay markii qaar ka mida ciidamadaasi ay su’aalo iyo qeylo dhaan ka keeneen mushaar qeybin dhammaadkii bishii hore ee Disember loo bilaabay in lagu siiyo mushaar saddex bilood ah.

    Qorshahan ayaa salka ku hayay in ciidamada Booliska la siiyo lacag dhan 260 Doolar, iyadoo laga saxiixayo saddex bilood oo ahaa mushaarkoodii ka maqanaa, waxaana arrintaas go’aankeeda ka yimid taliska iyo madaxda sare ee Booliska oo qaarkood ay ciidamada Booliska u sheegeen in lacag mushaar ah oo dhan 130 Doolar looga jarayo kharash ku baxay munaasabadii dabaaldegga ciidamada Booliska.

    boolis

    Ciidamada Booliska ee qeybta Bari, Gobolka Banaadir ayaa lagu bilaabay in la siiyo laba bilood mushaarkood iyagoo laga saxiixayo saddex bilood, muran ka dhashay arrintaasi iyo qaar ka mida ciidamada oo dood ka keenay arrintaasi ayaa la gaarsiiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxtooyada.

    kadib markii arrintii soo farageliyeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu fashilmay qorshihii mushaar leexsiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen saraakiil sare, waxaana la amray in dib laga bixiyo bisha u harsan ciidamada Booliska, haddana la sii wado labada bil ee la siinayo. Xubno ka tirsan ciidamada Booliska ayaa Wadani.com u sheegay inay weli ka cabsi qabaa in bishaasi xuquuqdoodii la duudsiiyo iyadoo aanay aamin ku qabin sababta loo kala reebay lacag ay ahayd in la wada bixiyo.

    Hore ayay u dhacday in ciidamada kala duwan ee dowladda ay ka daahdo lacagaha mushaarka kadibka is daba marin ku dhacdo. Xildhibaannada Baarlamaanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayaa laf ahaantooda ka cabanaya in mar waliba ay jirto laba bilood oo wareegeysa oo aan la siin wax mushaar ah, markastaba ay dhacdo inay laba bilood ka maqan tahay.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Lunshasho mushaar Mushaar ciidan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article XOG CULUS: GOOBJOOGE.COM OO HESHAY GOLAHA CUSUB EE WASIIRADA XUKUUMADDA CUMAR C/RASHIID
    Next Article Was the U.N. targeting Blackwater founder Erik Prince on Somalia?

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

    September 13, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo