Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war culus oo fadhiga u diiday si cad ugu sheegay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Golaha Wasiirada cusub gaarsiiyay war ku saabsan ansixinta iyo kalsoonida Baarlamaanka, wuxuuna u caddeeyay in Baaralmaanku isagu ansixiyay si aan kala har lahayn, laakiin cidda la rabo inay Baaralmaanka kalsooni ka raadsato ay yihiin xubnaha Golaha Wasiirada ee uu magacaabay.
Isagoo la hadlayay Golahiisa wasiirada ayuu u sheegay inay cod ka raadsadaan Baarlamaanka oo ay ka shaqeeyeen sidii ay codka kalsoonida uga heli lahaayeen xildhibaanada taasoo ku xiran inay shaqo bilaabaan, wuxuuna intaas ku daray in kalsoonida ay ku xiran tahay iyaga.
Golaha wasiirada ayaa la sheegay inay markaas kadib shaqsi ahaan iyo koox ahaan u bilaabeen olole ay cod uga raadsanayaan xildhibaanada Baarlamaanka.
Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa hore muddo laba jeer wax ka bedel ku sameeyay gole wasiiro oo uu magacaabay intii aanu horgeynin Baarlamaanka, waana arrinta ugu adag ee xukuumad kasta soo marta.
Goobjoooge.com