Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG CULUS: Sidee Cumar C/rashiid & C/raxmaan C/shakuur ugu midoobeen Qorshaha Imaaraadka Carabta..?

    XOG CULUS: Sidee Cumar C/rashiid & C/raxmaan C/shakuur ugu midoobeen Qorshaha Imaaraadka Carabta..?

    December 20, 2017Updated:December 20, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    DAAWO VIDEO: Yaa Kenya iibsaday Badda Soomaaliyeed?
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ololaha siyaasadeed ee lagu diyaariyay mooshinka ka dhanka ahaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ka soo bilowday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ku midoobay siyaasiyiin aan isku mabda’ ahayn oo ku mideysan qodobka kaliya ee xilka laga tuuro dowladda Farmaajo.

    Qorshahan wuxuu soo bilowday kadib xiisadii ka dhalatay dalalka Khaliijka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo dowladda Qatar oo dhinac kale ah ay isku hayeen, waxayna dowladda Imaaraadka abaabushalay madaxda maamul goboleedyada oo kharasha lagu siiyay inay fashiliyaan, kana hor yimaadaan dowladda Farmaajo ee taageertay Qatar. [Akhri]

    Qorshahaas oo ugu danbeyn si weyn ugu soo shaac baxay magaalada Kismaayo iyo dhismihii Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada, ayna ka dhalatay xil ka qaadistii madaxweynihii Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo xiisadii madaxda Galmudug, laakiin waxaa barbar socday abaabul ka socday Imaaraadka oo siyaasiyiin iyo madax hore lagu uruiyey si inta aan la gaarin sanadguurada koowaad ee xil qabashada Farmaajo kursiga looga tuuro mooshin ay kharashkiisa bixineyso Imaaraadka.

    Siyaasiyiinta Imaaraadka lagu abaabulay, waxaa hormuud u ahaa:

    1- Cumar C/rashiid Cali oo la-taliye u ah dowladda Imaaraadka

    2- Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya, saaxiibo dhowna la ah Imaaraadka

    Waxaan Imaaraadka tegin oo qorshaha qeyb ka ahaa:

    3- Xasan Sheekh Maxamuud  -madaxweynihii hore ee Soomaaliya

    4- C/raxmaan C/shakuur Warsame – Wasiir hore iyo musharax madaxweyne – Inkastoo aanu xiriir fiican la lahayn Imaaraadka waxaa qorshahan ku qalqaaliyey Cumar C/rashiid.

    Dhibaatada ugu weyn ee ku timid Imaaraadka ayaa ahayd sidii la isugu heyn lahaa shaqsiyaadkan miisaanka siyaasadeed ku leh Soomaaliya oo laba ka mida ay hore madaxweynayaal u soo noqdeen, waana tan keentay in Shariif Sheekh Axmed uu isaga haro qorshaha arrimo ka dhashay cidda hoggaanka noqoneysa ee lagu bedelayo Maxamed C/llaahi Farmaajo. [Akhri Warkan]

    Qorshaha ayaa noqday in Cumar C/rashiid madaxweynaha cusub noqdo, taasoo ay ka gows qabsadeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh laakiin waxaa aqbalay oo xilka Ra’iisal wasaaraha loo qorsheeyay C/raxmaan C/shakuur.

    Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo aan marna tegin Imaaraadka ayaan ku faraxsaneyn qaabka qorshaha loo dhigay, basle wuxuu go’aankoodu noqday inay garab u noqdaan mooshinka lagu ridayo Farmaajo, isla markaana markaas kadib ay doorkooda u dagaalamaan.

    Qorshuhu sidii la doonyaya uma hirgelin, waxaana muddo qaadatay diyaarinta mooshinka oo howsha ugu adag noqotay sidii loogu heli lahaa saxiixyo ku filan oo Baarlamaanka si loo horgeeyo kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka, taasoo ay ku baxday kharash, laakiin markii danbe dib u dhac ku yimid.

    Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur waxay ku midoobeen qorshe ay hoosta ka riixeyso Imaaraadka Carabta, inkastoo qorshahan dib u dhac weyn ku yimid markii la xiray kalfadhiga Baarlamaanka, waxaa haddana dhiig soo geliyay falka lagula kacay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ahaa mishiinka ugu weyn ee Muqdisho ka waday Mooshinka.

    Arrinta ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa ah in Mooshin lagu wajaho maxkamad, iyadoo la ogyahay in mooshinadii hore loo adeegsan jiray lacag iyo laaluush, waxayna dad badan u arkaan in khibrad yaraanta kooxda Farmaajo ay soo nooleysay mashruuc haddii laga aamuso u dhowaa inuu iska dhinto ama laga gudbo.

    GOOBJOOGE

    C/raxmaan C/shakuur Cumar C/rashiid Imaaraadka Qarandumis Top UAE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTOOS U DAAWO: Munaasbadda sanadguurada 74-aad ee Ciidamdaa Booliska Soomaaliyeed -MUQDISHO-
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Munaasabadii Ciidamada Booliska & Hambalyo uu diray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo