Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 30
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XOG CULUS: UN Monitoring Group oo Fadeexad Lacageed ku helay Cumar C/rashiid [Waanwaan ka socota Nairobi]

    XOG CULUS: UN Monitoring Group oo Fadeexad Lacageed ku helay Cumar C/rashiid [Waanwaan ka socota Nairobi]

    September 3, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa guddi ka tirsan Q/Midoobay ku heleen lacag uu lunsaday oo halis gelin karta mustaqbalkiisa siyaasadeed.

    Xog  qarsoodi ah oo ay heshay Wadani.com ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ay xaalad adag kasoo wajahday warbixin ay ururiyeen Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya oo raacsan Qaramada Midoobay (Monitoring Group on Somalia and Eritrea SEMG), taasoo ku saabsan lacago uu si sharci darro ah ku qaatay Ra’iisal wasaaraha.

    Xubno ka tirsan Guddiga oo dhowr goor Muqdisho kula kulmay madaxda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa gacanta ku dhigay Dokumentiyo muujinaya in Ra’iisal Wasaaraha uu qaatay ama amarkiisa lagu bixiyay lacago malaayiin doolar ah oo qaarkood loogu talogalay maamul goboleedyada dalka, kuwaasoo aan la ogeyn halkii ay ka baxeen, lana waayay xisaab celin cad.

    Omar-UN

    Lacagahan ayaa intooda badan qoonde taageero ah oo maamulada dalka laga siiayay canshuuraha kasoo xarooda Dekadda Muqdisho, waxaana lacagaha ku maqan Ra’iisal wasaaraha oo maamulka Gobolka Banaadir kaliya uu ka qaatay lagu qiyaasay 4 Milyan oo Doolar, waxaa kaloo jira lacago loo qoondeeyay maamulada Jubba, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Ra’iisal wasaaraha la baxay.

    Cumar C/rashiid ayaa ka war helay in Guddiga Q/Midoobay ay dhowaan soo saari doonaan warbixin ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda Soomaaliya iyagoo ku soo beegaya ka hor doorashada madaxweynaha dalka ee qorsheysan 30-ka Oktoobar, waxaana ku jira caddeymo culus oo ku saabsan lacagta ku maqan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

    Cumar C/rashiid oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa Nairobi  degdeg u tegay, waxaana xogta Wadani.com heshay ay sheegeysaa inuu waanwaan kula jiro xubnaha Guddiga Q/Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya si uu uga hortago in warbixinta cusub lagu soo daro xogta laga hayo.

    Guddiga Q/Midoobay oo loo yaqaan Monitoring Group ayaa ah Guddi muran badan ka taagan yahay shaqadooda oo si weyn u fahmay xaaladda Soomaaliya, waxayna muddooyinkii danbe gorgortan la galayeen madaxda ay xogta wax is daba maris ka helaan, iyagoo ka qaadanaya laaluush si ciddii rabta looga saaro warbixinadooda, waana taas sababta Ra’iisal wasaaraha Dalka Soomaaliya u tegay Nairobi.

    Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay noqotay “Mashruuc” la wada boobayo oo xitaa Guddiyadii caalamiga ahaa ay noqdeen “Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay”.

    UGAARA GOOBJOOGE.COM


    AKHRI: QORMADII GOOBJOOGE KA DIYAARIYAY LACAG UU LAHAA GOBOLKA BANAADIR OO XUKUUMADDA SOOMAALIYA LA BAXDAY

    http://goobjooge.com/fadeexad-wasaaradda-maaliyadda-oo-lacagtii-maamulka-gobolka-banadir-kala-baxday-bankiga-dhexe/

     

    Cumar C/rashiid Lacag ku soo baxday Cumar C/rashiid Top UN monitoring group
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSacuudiga oo ku dhawaaqay maalinta ay ku beegan tahay Ciida Carafo (Ciidul Adxaa)
    Next Article Shirkii maamul u sameynta Hiiraan/Sh-Dhexe oo maanta dib loo furayo [Maxaa ka socda Jowhar?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo