Friday, May 16, 2025

XOG CULUS: Wasaarad muhiim ah oo la baabi’inayo lana hoos geynayo madaxweynaha

Warar hordhac ah oo laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in wasaarad muhiim ah oo ka mid ahayd xukuumadihii ugu danbeeyay lagu wado in la baabi’iyo kadib markii muhiimada wasaaradaasi leedahay darteed ay sababtay inay dhowr jeer isku khilaafaan Madaxtooyada iyo hogaanka Xukuumadda.

EREG

Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa qarka u saaran in la baabi’iyo lagana reebo golaha wasaaradaha lasoo magacaabi doono wasiirada xukuumadda Cumar C/rashiid ee foosha ku jirta, waxaana qorshahan wata madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inay ammaanku si toos ah isaga u hoos tago.

Ad

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu ogolaaday arrintan, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu hore isugu hayay jagooyinka kala ah:

= Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya

= Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida

- Advertisement -

= Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka

Ayaa waxaa hadda muuqata in hay’adda nabad sugidda Qaranka oo hore dhibaato uga taagneyd aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Golaha wasiirada mar haddii meesha laga saaro wasaaradda Amniga Qaranka, ammaanka iyo hay’adahiisana hoos tagaan madaxweynaha. Xukuumadii ugu danbeysay ayaa waxaa soo shaac baxay inay wada shaqeyn la’aan colaad ku dhisani dhex martay agaasimihii Nabadsugidda C/llaahi Sanbaloolshe iyo wasiirkii Amniga Khaliif Ereg, markii agaasimahaasi oo ku dhowaa madaxweynaha tallaabooyin waaweyn qaaday isagoo aan tixgelin siinin wasiirkii Amniga iyo Golaha wasiirada, taasoo keentay markii dambe inay xilka ka qaadaan golaha wasiirada; taasoo sabab u noqotay khilaafkii xukuumadda iyo madaxtooyada ee ku dhamaaday Baarlamaanka.

Goobjooge.com

Muqdisho

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON