Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku gacan seyray inuu raali gelin bixiyo eedeyntii uu u jeediyay wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, kadib markii uu Khamiiitii si weyn u dhaleeceeyay wasiirka arrin ku saabsan qoraal uu wasiirku ugu ogolaaday in Hay’adda WFP ay xirato jidka taga garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Muungaab oo howshaasi joojiyay isla markaan saxaafadda la hadlay isagoo wasiirka amniga ku eedeeyay inuu shaqo aanu lahayn faraha la galay, kuna baaqay in madaxweynaha Ra’iisal wasaaraha iyo Baarlamaanka ay tallaabo ka qaadaan wasiirka ayaa loogu yeeray inuu arrintaasi cudurdaar ka bixiyo.
Kulan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa iyo wasiirka Amniga C/risaaq Cumar oo uu goobjoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungab ayaa Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka Arrimaha gudaha waxay ka dalbadeen Mudane Muungaab inuu raaligelin ka bixiyo meel ka dhaca uu u geystay wasiirka Amniga Gudaha.
Muungaab ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray arrintaasi isagoo sheegay in cidda laga rabo raali gelinta iyo cudurdaarka ay tahay wasiirka Amniga gudaha, wuxuuna ku adkeysay inay marnaba dhici doonin inuu khalad lagu sameeyo iyo faragelin lagu hayo howshiisa uu raaligelin ku daro.
Shirkasi oo uu hoos ka soo abaabulay Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan isagu ka qeybgelin ayaa ku dhammaaday in lagu kala kacay, waxaana la filayaa in arrintan ay sii xoojiso dadaalkii madaxweynaha horeba ugu doonayay inuu xilka uga qaado Guddoomiye Muungaab.
Wadani.com