Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG CULUS: Xildhibaanada Mooshinka wada oo shuruud ku xiray inay ka noqdaan (Akhri Qoddobada)

    XOG CULUS: Xildhibaanada Mooshinka wada oo shuruud ku xiray inay ka noqdaan (Akhri Qoddobada)

    August 24, 20152 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee wada Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ayaa shuruudo ku xiray inay ka noqdaan Mooshinkaasi oo ilaa iminka aanu guddoonka Baarlamaanka wax tallaabo ah ka qaadin.

    Mooshin-madaxweyne01
    Qaar ka mida xildhibaanada Mooshinka wada oo farxad ka muuqato

    Xubnaha hor-booday mooshinka ayaa kulamo ay la yeesheen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxay ka wadahadleen sidii xal loogu heli lahaa Mooshinka, waxaana Cumar C/rashiid oo arrintan waanwaan ka galay la hordhigay qodobo adag oo ku saabsan sida xildhibaanada mooshinka wada u arkaan in lagu xalin karo xiisada ka dhalatay mooshinka.

    Xildhibaanada mooshinka wada waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen:

    1. Inuu iskiis u wato qorshe uu ku doonayo isaga iyo saaxiibadii inay awoodda dalka kula wareegaan 2016-da kadib.
    2. Inuu diidan yahay muddo kordhin loo sameeyo golayaasha dowladda
    3. Inuu qorsheynayo in Baarlamaanka hadda jira aanu soo laaban, isaga iyo saaxiibadiisna awoodda ku soo laabtaan.
    4. Inaan wax talo gelin ah laga siinin qorshaha looga gudbayo hiigsiga cusub
    5. Iyo inay jirto ku takri fal awood iyo hantidii qaranka

    Xildhibaanada Mooshinka wada waxay dalbadeen si Mooshinka meesha looga noqdo arrimaha soo socda:

    1. In isku shaandheyn balaaran lagu sameeyo Golaha wasiirada
    2. In qorshe cad oo loo dhan yahay loo sameeyo qaabka looga gudbayo hiigsiga cusub
    3. In jagooyin wasiir la siiyo tiro ka mida xildhibaanada Mooshinka wada
    4. iyo In howsha fulinta aanu wax faragelin ah madaxweynaha ku sameyn karin kadib isku shaandheynta

    Waxaa lagu heshiiyay

    1. In isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada laguna soo daro xildhibaanada Mooshinka badan qaar ka mida

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ogolaaday inuu isku shaandheyn ku sameeyo golaha wasiirada, taasoo markii horeba ahayd qorshe dib u dhac ku yimid, waxaana socda wadahadallo kale oo ay leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha oo lagu gorfeynayo waxa laga ayeelayo dalabka xildhibaanada mooshinka wada.

    Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa hadda soo muuqaneysa inay tahay loolan loogu jiro waxa dhici doona kadib 2016-ka oo cid waliba ay dooneyso inay tareenka sii saarnaato. Mana cadda si Ra’iisal wasaaraha arrintan xal ugu heli karo iyadoo ay adag tahay in wax laga dhaadhiciyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Mooshinka madaxweynaha Shuruudo lagu xiray
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka Garbahaarey
    Next Article DAAWO: Sawiro xiiso leh oo laga soo qaaday Degmada Diinsoor Alshabaab kadib

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo