Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»XOG CULUS: Xukuumadda Somaliya oo heshiis qarsoodi ah u saxiixday shirkad gaara oo maamuli doonta shixnadaha Dekadda Muqdisho

    XOG CULUS: Xukuumadda Somaliya oo heshiis qarsoodi ah u saxiixday shirkad gaara oo maamuli doonta shixnadaha Dekadda Muqdisho

    October 5, 2015Updated:November 7, 20153 Mins Read Dhaqaalaha
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah u saxiixday shirkad gaar loo leeyahay mugdi badan ka jiro cidda leh, laakiin saldhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta nay maamusho Konteenarada Dekaddaha Muqdisho iyadoo shirkadan dhul weyn oo ku dhegan Dekadda Muqdisho la siiyay isla markaana ay maamuli doonto dhammaan Konteenarada Ganacsi ee dekadda yimaada.

    Shirkadan oo lagu magacaabo Simatech International Free Zone, waxay xukuumadda Soomaaliya u ansixisay inay Dekadda Muqdisho ka hirgeliso Dekad Qalalan “Dry Port”  fadhigii ugu danbeeyay ee Golaha wasiirada ayaana lagu ansixiyay heshiiskan iyadoo aan faahfaahin badan laga siinin xubnaha Golaha wasiirada oo su’aalo badan ka keenay waxa loo codeeyay oo intooda badan aanay la socon.

    Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax  ayaa hor keenay golaha arrintan heshiiska ah, iyadoo sidaasina lagu meel mariyay waxaana wasiirada loo sheegay inaan laga hadli karin oo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay wataan arrintan. Heshiiskan ayaa ka danbeeyay olole weyn oo Imaaraadka Carabta ku dooneysay inay ku lug yeelato maamulka dekadda Muqdisho, iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay safarro badan isaga daba laabteen dalka Imaaraadka Carabta oo danaha dhaqaale iyo milateri ee Soomaaliya uu ka leeyahay ay sii kordheen, mana cadda lugta UAE ku leedahay arrintan.

    Heshiisku Simatech International Free Zone, ku hirgelineyso Dekadda qalalan (Dry Port), wuxuu dhaqangalayaa marka uu saxiixo ku-simaha ra’iisal wasaaaraha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Heshiiskan waxaa la yaab leh in golaha wasiirada aanay warbixin badan ka helin ee la marsiiyay, waxaa kaloo la yaab leh inaan loo gudbin doonin Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hay’adaha sharciga u leh inay hubiso heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya galeys, waxaana ku saxiixan ku-simaha Ra’iisal wasaaraha ahna wasiirka Garsoorka C/llaahi Axmed Jaamac “Ilka-jiir”, waxaana ku qoran inuu heshiisku dhaqangalayo marka uu saxiixo ku-simaha ra’iisal wasaaaraha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    dekad

    Lama oga kharashka ku baxaya heshiiska, inta sano ee uu soconayo, sida loo galay heshiiska, waxaana arrintan oo dhan ay tahay mid mugdi lagu dhameeyay, sida dhacday heshiisyadii shirkado Turki ah kula wareegeen Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, waxaa la filayaa inuusan Baarlamaanka Soomaaliya awood u yeelan ogaanshaha ka doodista heshiiskan.

    Shirkada waxaa hore Bishii Febrayo sanadkii 2013 la sheegay in lagu wareejiyay howsha maamulka shixnadaha dekadda Muqdisho, waxaa shirkadan guddoomiye u yahay Yacquub Abuukar Cali, halka guddoomiye ku xigeenkeeda lagu magacaabo Ismaaciil Gooni. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda Soomaalida ay lug ku leeyihiin shirkadan.

    N.B. Waxaa dhowaan idin soo gudhin doonaa dokumentiga heshiiskan

    Wadani.com

    Dekadda Muqdisho Fad heshiis qarsoodi ah Top Xukuumadda Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin laga bixiyay howgal lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmay Alshabaab duleedka Muqdisho
    Next Article Safiirka cusub ee Denmark u soo magacawday Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo