Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG CUSUB: Dowladda Iimaaraadka oo sheegtay inay Berbera kula heshiisay dawladdii hore ee Soomaaliya [Akhriso]

    XOG CUSUB: Dowladda Iimaaraadka oo sheegtay inay Berbera kula heshiisay dawladdii hore ee Soomaaliya [Akhriso]

    April 18, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iimaaraadka carabta oo cilaaqaadka kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya uu sii darsanayey ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay halka uu ka taagan yahay xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu kala hadlay dawladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Soomaaliya. Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.

    “Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”. ayuu yiri.

    Anwar Maxamed Qarqaash wuxuu ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban “qol xiran”.

    “Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa. Ma aha in aad qabsato 47 askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa” ayuu yiri wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Iimaaraadka Carabta.

    Xiriirka labada dhinac ayaa sii xumaanayey taniyo markii todobaadkii hore ay dawladda Soomaaliya la wareegtay lacag 10 malyan oo Doollar ku dhow oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.

    Sidoo kale tababareyaal milateri ayaa muddo ku xannibnaa garoonka dayaaradaha ee Boosaaso, kuwaasoo markii dambe loo ogolaaday inay ka dhoofaan.

    Hadal uu soo saaray Iimaaraadka carabta ayuu ku sheegay inuu joojiyey hawlihii uu ka waday Soomaaliya, waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu qalab kaga qaadanayo xerada tababarka milateriga ee Jen. Gordon.

    Waxaa kale oo Iimaaraadka carabtu uu joojiyey hawlihii uu ka waday isbitaalka Sheekh Saayid ee magaalada Muqdisho.

    Dekadda Berbera Imaaraadka Somalia Top UAE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasaaradda Diinta Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadeysa Hoteello lagu eedeeyay Anshax darro
    Next Article Agaasimihii Madaxtooyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo u jawaabay Imaaraadka Carabta [Akhriso Xog uu bixiyey]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo