Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaraxii goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Madaxtooyada SOomaaliya, gaar ahaan iridka laga soo galo lala damacsanaa ergeyga Q/Midoobay ee SOomaaliya Nicholas Kay.
Ergeyga ayaa la sheegay inuu madaxtooyada ka soo baxay isla waqtiga uu qaraxa dhacay, balse wax yar uu uga baxsaday isagoo goobtaasi mari lahaa.
Mr. Kay ayaa la sheegay inaysan waxba soo gaarin, laakiin ilaalada iyo kooxda dhinaca amaanka ee UN-ka ay shaki badan ka muujiyeen qaraxa isla markaana ay baaritaan la bilaabeen ciidamada amaanka Soomaaliya.
Faahfaahin kale dhowaan filo
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]