Markabkii Kalluunka siday ee muranku fadeexada dhaliyay ka taagnaa kadib markii Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo kaashanaya Maxkamada Gobolka Banaadir fasaxay xilli uu u xirnaa dekadda Muqdisho ayaa la sheegay in lagu qabtay Kenya iyadoo lagu eedeynayo inuu sharci darro ku galay dalkaasi.
Warar aanu ka helnay dalka il Kenya ku sugan dalka Kenya ayaa sheegaya inuu markabkaasi hadda la xayiray oo baaritaan lagu hayo, inkastoo aanay arrintaasi ku lug lahayn arrinta markabka ee ka taagan Muqdisho.
Markabkan oo dalka Yeman laga lahaa ayaa waxaa fasaxay maxkamada Gobolka Banadir oo qoraal ka heysatay xeer ilaaliyaha. Waxaana tallaabadaasi ka horjeestay hanti dhowrka guud oo Baarlamanka hortiisa ka caddeeyay in si khaldan loo fasaxay, waxaana arrintiisa hadda gacanta ku haya oo baaraya Guddiga Baarlamaanka e Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Kalluumeysiga oo iyaduna caddeymo baaxad leh heysata, kuna dhegan Xeer ilaaliyaha.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa iska fogeysay inay fasax siisay Markabkaasi, waxayna qoraal ay ku caddeyneyso inaysan jirin fasax ay siisay markabka Muqdisho laga fasaxay u soo gudbisay Guddiga Baarlamaanka ee arrintan qaabilsan oo xiriiri la sameeyay. Tani waxay fadeexad weji gabax ah ku tahay xeer ilaaliyaha oo doodiisu ay ka mid ahayd inuu markabku fasax ka heystay Puntand iyo Somaliland.
Arrimahan oo dhami waxay uga sii darayaan kiiska Markabaasi oo la rumeysan yahay in si musuq ah lagu sii daayay, waxaana baaritaanka ay wadaan guddiga baarlamaanka ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda la filayaa in loogu yeero xeer ilaaliyaha.
Hoos ka dhageyso wareysiyo xiiso leh oo VOA la yeelatay Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]