Monday, May 12, 2025

XOG CUSUB: Mugdi hareeyay xilliga Baarlamaanka la keenayo xukuumadda Cumar C/rashiid

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xilliga Baarlamaanka la hor keenayo Xukuumada Cumar C/rashiid Cali soo dhisay 11-kii bishan Janaayo, taasoo mucaaradnimo weyn kala kulmeysa qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka.

baarlamaanka

Guddiga joogtada ah ayaa shirkoodii shalay ku dalbaday in Khamiista si degdeg ah Baarlamaanka loo horkeeno xukuumada, waxaana xubnaha guddiga joogtada ah ay u bateen qaar ka horjeeda xukuumada iyo qaabka loo dhisay. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo dhex galay arrinta oo xiriir la yeeshay Ra’iisal wasaaraha, taasina waxay keentay in dib loogu dhigo ilaa Sabtida danbe.

Ad

Dedejinta arrintan ayaa loo aaneynayaa iyadoo uu Baarlamaanku fasax gelayo kadib 22-ka bishan, lana xirayo kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa hore ugu sheegay Prof. Jawaari inuu diyaar u yahay inuu golihiisa keeno Baarlamaanka.

Sidoo kale shirkii maanta ee Golaha Baarlamaanka ayay xildhibaanadu u wada codeeyeen in xukuumada la horkeeno Sabtida soo socota ee 17-ka Janaayo. waxaana kulankii maanta ee xildhibaanada ka muuqday inay intooda badan ku kacsan yihiin Golaha wasiirada cusub.

Wararka aanu ka heleyno xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in xilliga loo qabtay xukuumada uu aad ugu yar yahay marka loo eego xaalada ku furan, waxaana la filayaa inay warqad u qoraan guddoonka Baarlamaanka ay ku codsanayaan in dib loogu dhigo waqtiga si ay isugu diyaariyaan; waxayna sameeyeen guddi wasiiro ah oo olole u sameeya sidii ay kalsooni u heli lahayd xukuumada.

- Advertisement -

Qoral-barlamaan

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON