Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xog Cusub oo laga helay Macalin Ilka-case Horjoogihii Alshabab u qaabilsanaa Howlgallada Muqdisho ee Dilka lagu xukumay

    Xog Cusub oo laga helay Macalin Ilka-case Horjoogihii Alshabab u qaabilsanaa Howlgallada Muqdisho ee Dilka lagu xukumay

    January 1, 2020Updated:January 2, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xog iyo Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay nin shalay ay maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada milateriga ee Soomaaliya ku xukuntay Dil toogasho ah oo madax u ahaa howlgallada Alshabaab ka fuliso G/Banaadir.

    Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase) ayaa ka mid ahaa xubno ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga, isagoo abaabulay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay dad ku dhow 180 qof, waxaana hadda la ogaaday inuu macalin ka ahaa Jaamacado iyo Iskuulo ku yaalla magaalada Muqddsho, isagoo weliba dhigi jiray luuqadda Ingiriiska.

    Jaamacadii ugu danbeysay wuxuu ka tegay bishii Maarso ee 2019-ka, iyadoo ay la yaab lahayd inaysan cidna wax war ah u heynin howsha weyn ee uu ku dhex jiray. Xubno ka tirsan iAlshabaab oo uu madax u ahaa isla markaana qaarkood la toogtay ayaa sheegay inay Ilkacase uu madax u ahaa, balse aysan aqoon u lahayn wax calaamad ahna aysan ka muuqan, isagoo howlahooda oo dhan hagi jiray.

    Sida hore loo sheegay Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliska, wuxuuna dilay adeerkii oo isna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, iyo saddex jeneral oo kala ah: Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan iyo Jeneraal Maxamuud Xaaji Calow oo ka tirsanaa booliiska; waxaa kaloo lagu helay inuu dilay Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh Quruurux oo ka tirsanaa milatariga. Sidoo kale waxay maxkamaddu ku heshay inuu dilay laba-alifle ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabay Maxamed Cumar Sheekh Cusmaan.

    Sidoo kale waxaa lagu helay dilka ku xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdiraxman Maxamuud. Maxamed ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay agagaarka tiyaatarka 22-kii December sannadkii 2018-ka oo ay ku dhinteen toban qof oo uu ku jiro weriye Cawil Daahir Salaad.

    Ugu danbeyn Maxamed Xaaji Axmed Ilka-case waxay shalay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil toogasho ah, waxaana si weyn looga naxay heerka ay gaarsiisan tahay dilaanimadiisa.

    Alshabaab Dil toogasho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo Maxkamad lagu soo taagay Siyaasi caan ah & Odayaal ka hor yimid Madaxweyne Deni & Qorshaha Imaaraadka…
    Next Article Khilaafkii ugu adkaa xulista Xildhibaanada Galmudug oo xal laga gaaray [Beesha Ceyr oo u tanaasushay Ahlu suna..]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo