Qorshe qarsoodi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku doonayeen inay ku dhawaaqaan Gole wasiiro oo ay ku jiraan xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha ayaa laga war helay iyadoo Ra’iisal wasaare CCC maalmihii ugu danbeeyay ku dhaqmay siyaasad ah in xildhibaanada ka horjeeda madaxweynaha uu ku mashquuliyo arrimo ku saabsan inuu cadaadis ku hayo madaxweynaha, kana codsado inay madaxweynaha kala hadlaan arrinta magacaabidda wasiirada cusub.
Madaxweynaha ayaa dhinaciisa isna xubnaha uu balanqaadka u sameeyay ee aanu wax xil ah u heynin u diraya inay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isal wasaaraha ka doontaan jagooyinka, arrintan oo shaki weyn ku dhalisay Isbaheysiga xildhibaanada ka horjeeda madaxweynaha ayaa keentay inay xildhibaannada beesha Daarood oo ka badan 30 xubnood kulamo daqiiqado u dhaxeeyeen la yeeshaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dood aad u kulul ay dhex marto, xaaladuna cirka isku shareerto.
Xildhibaanadaasi ayaa ka war helay in Cumar C/rashiid weli hayo liiskii wasiirada ee madaxweynaha iyo kooxdiisa soo diyaarisay, kuna doodayo inaysan waxba ka qaban karin cadaadiska madaxweynaha ku hayo, taasoo loo fasirtay inuu raali ka yahay liiskaasi oo wasiirada ku jira ay ka mid yihiin:
1. C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe –Wasiirka Amniga
2. C/kariin Xuseen Guuleed  -Wasiirka Arimaha Gudaha
3. Faarax Sheekh C/qaadir  -Wasiirk Garsoorka
4. Xuseen Cabdi Xalane   -Wasiirka Maaliyadda
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xildhibaanada la baxay Golaha badbaadda Qaranka oo ka badan 100 xildhibaan ay tallaabo ka qaadi doonaan arrintan, Waanwaan u dhaxeysa xildhibaanadan iyo Ra’iisal wasaare CCC ayaa socota inkastoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona.
Goobjooge.co
Muqdisho
[ad name=”HTML”]