Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dadaal weyn ugu jira inuu jagada wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda cusub ka dhigo nin ay walaalo yihiin dhinaca hooyada Maxamed Xaaji (Madeer).
Shariif Xasan oo Muqdisho u jooga sidii uu galaangal ugu yeelan lahaa dhismaha xukuumadda cusub ayaa xiriir dhow iyo isbaheysi la leh madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo la aamisan yahay inaysan ka hor imaan karin dalabka Shariifka, waxaana sidoo kale taageersan qeyb ka mida xildhibaanada Beelaha Digil & Mirifle.
Waxaa caqabad ku ah dadaalka Shariif Xasan guddoomiyaha baarlamaanka oo xurguf siyaasadeed ay dhex taallo waxayna wararku sheegayaan in Prof. Jawaari si weyn uga horjeedo ololaha uu Muqdisho ka wado Shariif Xasan. Wiil uu dhalay Shariif Xasan ayaa hore u nqoday xildhibaan isagoo buuxiyay kursigii uu Aabihii baneeyay, tani waxay ka mid tahay waaqica siyaasadeed ee dalka ka jira.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]