Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isu taagay inuu waanwaan ka dhex bilaabo xildhibaano la safnaa madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gadooday dhismaha xukuumada cusub ee Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa maanta degdeg u tegay Hotelka Naasahablood 1 ee magaalada Muqdisho oo kulan uga socday xildhibaanno ku dhow Kontomeeyo oo ahaa kuwii taageeray mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli, wuxuuna wadahadal la yeeshay Xildhibaan C/qaadir Cosoble.
Shariif Xasan oo lug weyn ku leh xukuumdada cusub ayaa dadaal ugu jira inuu yareeyo mucaaradnimada sii baaheysa ee laga hor keenay xukuumada cusub, waxaase la sheegay inay ku gacan seyreen xildhibaannadii maanta ku shiray Hotelkaasi oo guddoomiye u doortay C/laahi Goodax Barre oo ah sii-haya wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka.
Xildhibaanadan ayaa maanta ku dhawaaqay inay sameysteen isbaheysi cusub oo ay u bixiyeen “TOOSINT TALADA QARAN” oo ah kutlad hor leh oo ku soo biiray isjiidjiidka siyaasadeed ee Muqdisho ka taagan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]