Sii-haya wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta sameysay xil wareejintii ugu horeysay ee xukuumadda cusub kadib markii ay ku dhaqaaqday arrin la yaab ah oo keentay in si aan la qorsheyn degdeg xilka looga wareejiyo.
Xil wareejinta wasiiradii hore oo loo xilsaaray guddi uu madax u yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa la qorsheeyay inay bilowdaan maalinta Sabtida 14-ka Febraayo iyadoo maalin kasta loo qoondeeyay inay shan wasaaradood xilalka la wareegaan.
[ad name=”HTML-2″]
Qorshahaasi waxaaka biyo diiday Khadiijo Maxamed Diiriye oo dalbaday inay diyaar tahay oo degdeg xilka looga wareejiyo isla maanta oo Khamiis ahayd, waxayna ku adkeysatay arrintaasi. Tallaabadan wasiirada hore ayaa keentay in xil wareejin aan la qorsheyn maanta ka dhacdo wasaarada haweenka xilkiina ay la wareegtay Sahra Maxamed Cali Samatar iyadoo aan la ogeyn waxa kalifay arrintani.
[ad name=”HTML”]