Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ay tegaaan magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah waanwaan ay wado Beesha Caalamka oo uu hormuud u yahay safiirka dalka Mareykanka.
Kulan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni uga socday magaalada Garowe oo ay ku wehliyeen xubno ka tiran mas’uuliyiinta labada maamul ayaa looga hadlay sidii ay aragti mideysan uga yeelan lahaayeen heshiiska Doorashada ee lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen qodobadda ay la hortegayaan beesha caalamka iyo madaxweynaha dowladda Federaalka.
Safiirka Mareykanka ayaa dadaalkiisa ka bilaabay kulan uu 21-kii Ogost Garoonka Muqdisho kula yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Hirshabeelle, isagoo ka dhaadhiciyey in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland lagu soo daro wadahadalka, dibna loogu noqdo Heshiiskii Dhuusamareeb 3.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayey inuu casuumaad u diro labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, laakiin hadda waxay wararku sheegayaan in beesha Caalamka ay casuumaadda direyso, kadibna la qabanqaabinayo wadahadalka iyo shirweyne lagu dhammeystiro heshiiskii Dhuusamareeb III.