Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Dhaqaale loo la’ yahay mashruucii Dhaqancelinta Xubnaha kasoo goosta Alshabaab

    XOG: Dhaqaale loo la’ yahay mashruucii Dhaqancelinta Xubnaha kasoo goosta Alshabaab

    December 29, 2022Updated:December 30, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda Qaramada Midoobay ee socdaalka IOM oo fulia Mashruuca dhaqancelinta Dadka kasoo goosta ururrada xagjirka, sida Alshabaab iyo Daacish ah ayaa shaacisay inaysan weli soo gaarin dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa xarumaheeda oo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Kismaayo.

    “Xilligan Hay’adda IOM ma hayso dhaqaalihii ay kusii wadi lahayd barnaamijka,” sidaasi waxaasheegay madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin. Hay’adda ayaa dhowaan ku wargelisay mas’uuliyiinta dawladda Soomaalida in dhaqaalihii lagu wadayey xarumahan uu joogsanayo bilowga sannadka cusub ee 2023, haddii aanay dowladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaashu heshiis ka gaarin mustaqbalka hawlaha barnaamijka dhaqancelinta.

    “Haddii aan maalgelin nasoo gaarin inta ka dhaxaysa hadda iyo 31-ka December, masii wadi doono taageerada barnaamijka,” ayuu yiri Celestin. Taageeradeenu waxay istaagaysaa 31-ka Decmber 2022,” ayuu intaasi ku daray.

    Wuxuu kaloo sheegay madaxa IOM ee Somaliya in tallaabadan aysan ahayn go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo taageerada, balse ay tahay hakin ilaa inta heshiis lala gaarayo dawladda federaalka oo ku saabsan sidii horey loogu socon lahaa.

    Mashruucan oo ay ku baxdo malaayiin dollar sannad walba, waxaa dhaqaalihiisa bixiya waddamada ay ugu horreeyaan Britain iyo Jarmalka. Safaaradaha labadaas waddan ee Soomaaliya waxay muujiyeen inay doonayaan in dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadato sidii ugu dambayn ay dawladdu ula wareegi lahayd hawsha mashruucan.

    Afhayeen u hadlay safaaradaha Bratain iyo Jarmalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in labada dawladood ay in muddo ah soo taageerayeen barnaamijka. “Barnaamijka hadafkiisu waxa weeye inuu dariiq bad-qab leh u jeexo kuwa soo goostay ee ay khatartoodu yartahay iyo haweenka ku xiran inay ka haraan kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn, iyo si cimri leh in dib loola mideeyo bulshadooda,” ayuu ku yiri af-hayeenka u hadlay labada safaaradood.

    Safaaradaha Britain iyo Jarmalka waxay sheegeen inay doonayaan inay sii wadaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan barnaamijkan sannadaha 2023 iyo 2024, waxayse sheegeen in wadahadalladii ay kula jireen dawladda federaalka ay weli socdaan.

    “Si loo xaqiijiyo in (mashruucan) sii socdo muddada fog, lahaanshihiisa waxa lagu wareejinayaa dawladda Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka. Waxa uu sheegay inay qayb ka qaadanayaan naqshadaynta nidaamka kala-guurka ayna qorshaynayaan inay taageeraan hirgelintiisa kadib marka is-afgarad laga gaaro qorshaha. Waxay sheegeen inay wadahadalladu weli socdaan.

    Barnaamijkan Dhaqancelinta iyo Maamulka ee Dagaallamayaasha soo goosta waxa uu soo socday muddo illaa 12 sano ah, waxaana ka faa’iidaystay kumannaan qof oo kasoo goostay kooxaha xagjirka siiba Al-Shabaab, kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar oo helay dhaqancelin, dibna ugu biiray bulshada.

    Saddexda xarrumood ee xilligan ka furan Muqdisho, Baydhaba iyo Kusmaayo ayaa la sheegay inay ku jiraan dad soo goostay oo ka badan 450, sida ay sheegeen ilo codsaday inaan magacooda la sheegin xasaasiyadda shaqadan darteed.

    Mashruucani waxa uu hoos yimaaddaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee dawladda Soomaaliya. VOA waxay la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxayna Wasaaraddu sheegtay inaysan xilligan waraysi ka bixinayn barnaamijkan. Marka ugu horraysa ee ay taasi suurtogashana waan idiin soo gudbin doonaa.

    Alshabaab Dhaqan celinta IOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article10 Sano Shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin Waddooyinka la xirayo (Qormo)
    Next Article Bandowgii Muqdisho loo geliyay Madaxweynaha Jabuuti iyo Saameynta ka dhalatay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo