Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay laba qarax oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo la sheegay inay qaraxyadu ahaayeen miino, balse aysan is-miidaamin sida wararkii hore sheegeen.
Qaraxa hore oo ka dhacay kasoo horjeedka xarunta Inj ee maamulka ku shaqeeyo ayaa la dhigay maqaayad yar oo halkaasi ku taalla, waxaana ku dhintay askari, iyadoo ay ku dhaawcmeen 5 qof oo ay ku jiraan hooyo iyo saddex caruur ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.

Dhinaca kale Qarax kale ayaa la fashiliyey magaalada Dhuusamareeb, kaasoo la sheegay in lagu diyaariyey Gasac caana-booraha lagu keeno, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka Maqaayad u dhow Saldhiga Booliska Dhuusamareeb, waxaana Miinadaasi qarixyey ciidamada amniga, markii ay ka war heleen.
Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa degan, kadib qaraxyadii oo magaalada geliyey xaalad kacsan, waxaana ciidamo fara badan la dhigay magaalada oo uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb.