Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Dib u habeynta Hay’adda NISA iyo dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin

    XOG: Dib u habeynta Hay’adda NISA iyo dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin

    July 3, 2022Updated:July 4, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa dib u habeyn xoog leh ku wada Hay’adda NISA, kadib markii uu xilkaasi la wareegay 29 May 2022.

    Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Mahad Salaad isbedello waaweyn ku bilaabay Hay’adda si uu meesha uga saaro habkii ay u shaqeyneysay 5-tii Sano ee dowladii Farmaajo, xilligaas oo uu awoodda ugu sareysa lahaa Fahad Yaasiin Xaaji.

    Agaasimaha cusub ayaa wajahay dagaal hoose oo uu la galay agaasimihii hore oo wareysi uu bixiyey ugu baaqay saraakiisha NISA inaysan wax sir ah ama xog ah la wadaagin Mahad Salaad, isagoo ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Alshabaab.

    Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh aad ugu dhow ayaa loo dhiibay shaqada ugu adag, waxaana isagoo waqti iska lumin si degdeg ah u bilaabay nadiifinta Hay’adda iyo sidii uu meesha uga saari lahaa saameynta Fahad Yaasiin.

    Tallaabooyinka ugu waaweyn ee Mahad Salaad qaaday waxaa ka mida:

    – isbedel degdega oo lagu sameeyay hoggaannada NISA, sida Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Gobolka Banaadir iyo

    – Xilal ka qaadista xubno halis loo arkay oo toos ugu xirnaa Fahad Yaasiin.

    – Dib u soo celinta Gaadiidka iyo ciidamadii iyo hubkii Hay’adda ee ay heysteen Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane.

    – Xariga ciidamo iyo saraakiil isku dayey inay baxsadaan

    – Magacaabidda qaar ka mida saraakiishii ku dhowaa Fahad Yaasiin

    – iyo Dabagal ku bilowday kiisaska waaweyn ee Hay’adda lagu eedeeyay xilligii Farmaajo iyo Fahad

    Arrimahan oo dhan waxaa barbar socday dadaallo uu agaasimaha cusub ee NISA ku doonayo inuu si buuxda u maamulo hay’adda NISA oo xaalad adag ku jirtay xilligii kala guurka, isaga laftiisana uu ku eedeeyay inay ku milantay Alshabaab.

    Isbedellada waaweyn ee la filayo inay gasho Hay’adda NISA ee hoggaanka cusub ayaa waxaa ka mida:

    – Xalinta iyo Arrinta Gobolka Gedo oo Hay’addu si dadban u maamuli jirtay xiligii Farmaajo

    – La tacaalidda saraakiisha halista ah ee Hay’adda awoodda ku lahaa xilligii Fahad Yaasiin

    – Baaritaanka iyo bandhigga kiisaskii waaweynaa ee NISA ku lug yeelatay xilligii Farmaajo iyo Fahad.

    – Soo celinta sumcadii Hay’adda NISA ee lagu tuhmay la-shaqeynta Alshabaab

    – Gudashada xilka rasmiga ah ee loo dhisay NISA oo ah sugidda Amniga iyo ka hortagga caddowga gudaha iyo dibadda oo ay ugu horeyso Alshabaab.

    Dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin dhex maray ee dib u habeynta Hay’adda NISA wuxuu u muuqdaa inuu wejiga hore ku guuleystay Mahad Salaad, lama oga natiijada wejiga labaad oo la bilaaban doona marka Fahad Yaasiin bilaabo inuu soo bandhigo xogta uu ka hayo Mahad Salaad.

    Dib u habeynta NISA Fahad Yaasiin Mahad Salaad NISA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii labaad ee dibadda ugu baxaya iyo xog laga helay
    Next Article Ra’iisal wasaare Xamza oo magacaabay xilkalkii ugu horeeyay ee Xafiiskiisa iyo Liiska Golaha..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo